Header Ads

Hodan Naaleeye

Hodan Naaleeye waxa ay aad isugu hawshay in ay dadka u soo gudbiso wejiga Soomaaliya ee bilicsan ee yididiilada leh ama ba rajada abuuraya.
Yoolkeedu waxa uu ahaa in ay Soomaaliya wax wanaagsan ka sheegto. 30 sano oo qax iyo qaxar iyi dhibaato Soomaaliya lagaga warramayay in ay beddesho ayaa ay doonaysay.
Waxa ay doonatsay in ay soo gudbiso in dadka Soomaaliya wax u dheeryihiin dhibaatada ay keentay duruufta siyaasadeed ee dalku ku jiro. In aan noloshu istaagayn haddii aan wax kastaa sidii la rabay ahayn; in dadku ay yihiin dad leh himilooyin, hiigsiyo iyo weliba karti ay wax ku qabsan karaan.
Ilaahay ha u naxariisto'e, maanta waxaa ka aargoostay cadowgii nolosha. Waxaa dilay quusta ku- naaxii ka dhiman jiray yididiilada.

No comments

Powered by Blogger.