Header Ads

La Korista Bin Laadin - Gorfayn Buug



Dad badan oo dunida ku nool Usaama Bin Laden waxa uu ahaa halyey ka dhiidhiyay cadaalad darro iyo bahdilaad ay awoodaha reer Galbeedku.ku hayeen umaddiisa. Waxa ay u arkayeen Indheer garad go’aansaday in uu garoonka dagaalka ka raro dhulkiisa, oo muddo yar oo koobanna ha noqotee, cadowgiisa dab guriga u geliyay.
Dad kale oo badanna waxa uu ugu dhignaa astaanta sharka. Dhiigyo-cab ku dhawaad 3000 qof dharaar keli ah qudha ka jaray; Ama Seef la bood huriyay dagaal ay ku naf waayeen tobannaan kun oo qof.
Balse Cumar Bin Laadin iyo Najwa Qaanim waxa uu ahaa aabe iyo xaas. Waxa ay ka sugayeen in uu caalamka ka ilaaliyo, kalgacayl, iyo doorkii qoys ee reer caadi ah lagu yiqiin. Buuggan Growing Bin Laden ayaa ay ku soo tebinayaan himiladoodi iyo waxa ay ka muteen Bin Ladenka ugu caansan caalamka.
Buuga oo hal tebintiisu noqonayso LaKorista Bin Laadin waxaa qortay Jean Sasson oo ah qoraa Maraykan ah oo awoodda saarta arrimaha dumarka Bariga Dhexe. Waxa maado u ah xogta iyo sheekooyinka ay u tebiyeen Najwa iyo Cumar.
Buugu waa kii koowaad ee laga qoro Usaama Bin Laadin iyada oo la adeegsanayo xog laga helay qoyskiisa. Waxaa uu fahan dheeraad ah ka bixinayaa shakhsiyadda Usaama oo muran la’aan kamid ah dadka ugu saamaynta badnaa noloshiisa.
Buugu waxa uu daaha ka faydayaa nin fikirkiisu uu raacay xididdada dhiigiisa oo uu kala muhiimsan yahay wax kasta oo kale. Nin diyaar u ah in uu carruurtiisa u diro hawlgallo isqarxin si ay oo nafahooda da’da yar ugu huraan qaddiyaddiisa ama sida uu isagy u arkayay qaddiyadda Islaamka.
Waxaa sidoo kale soo baxaysa keligii taliye ra’yigiisa oo keli ah qiimo la leeyahay oo aan cid kalena agtiisa aragti ku lahayn.
Buuggu waxa uu sida oo kale iftiiminayaa doorka ay dumarku ku lahaayeen nolosha Usaama, taas oo aan ka badnayn inay dhalaan carruur noqota askarta berri.
Najwa Qaanim waxa ay is guursadeen inaabtigeed Usaama iyada oo 15 jir ah isaguna uu yahay 17. Isaga ayaa taladeeda lahaa laga soo bilaabo maalintaas ilaa markii ugu danbaysay ee ay is arkaan 27 sanadood oo guur ah iyo 11 carruur ah kadib. Doonistiisu waxay ka dhignayd aqbalkeeda jeer uu Biishaawar geeyo, mar uu suudaan u raro iyo ugu danbayntii haddii uu buuraha Afgaanistaan deg yidhaahdo.
Najwa waa raalliyad oo awood darradeeda si buuxda ayay isugu dhiibaysa. Mar keli ah buugga dhexdiisa isweydiin mayso qumanaanta wadcigeeda. Marna kama cabanayso Haddii ay dhibsatay xaalkeeda. Ra’yigeeda qaabka keli ah ee laga dhadhansan karaa waa taageerada ay u muujinayso wiilkeeda Cumar oo ay ku tilmaamayso ka ugu dhiirran inamadeeda.
Cumar isagu qarin maayo diidmada qaabka aabihii u naqshadeeyay noloshiisa. Yaraantiisi waxa uu tebayaa kalgacaylka aabihii oo uu tilmaamayo in uu kaga mashquulay howlihiisa siyaasadeed. Sabaalihii uu ka heli jiray in aabihii yahay halyay ka qaybqaatay jabkii Soofiyeetkuna waa isa sii dhimayay markasta oo uu sii koro.
Waxa uu dhaliilayaa qaab-nololeedka uu aabihii u dooray qoyskiisa taas oo ay ugu yarayd nolosha gunti-giijiska ah ee aabihii kaga mamnuucay dhammaan tashiilaadka nolosha ee tiknoolajiyadda sida talaagadda, qaboojiyaha, agabka carruurtu ku ciyaarto,iwm.
Waxa uu ka xumaanaya markii aabihii u ka joojiyay tacliintii rasmiga ahayd oo dhan isaga oo 12jir keli ah.
Ugu danbayntii waxa uu Cumar ka warramayaa in uu si buuxda uga hor yimi dhaqdhaqaaqii siyaasadeed iyo habka dagaalka ee uu doortay aabihii. Waxa aanu diidayaa in uu dhaxalsuge u noqdo boqortooyada dagaal ee aabihii yagleelayay.
Buugga oo ugu horrayn ah qisada qoyska Usaama oo ay ka sheekaynayan Najwa iyo Cumar waxa uu guud marayaa marxaladihii nolosha Usaama iyo dhaqdhaqaaqiisi siyaasadeed. Waxa uu inta ay ka ogyihiin labada tebiye oo iska kooban xusayaa dagaalkii afgaanistaan ee hore, soojeedintiisi Usaama ee ku aadanayd waajihidda Saddaam Xuseen, u guuristii suudaan iyo ku laabashadii afgaanistaan iyo u diyaar garowgiisi iska hor imaadka Maraykanka.
Waa marka uu uu cumar garwaaqsanayo inay la gudboon tahay go’aan ay aabihii ku kala baydhayaan. Hooyadiina muddo kadib ayaa Usaama u fasaxayaa inay afgaanistaan ka baxdo muddo kooban ka hor weerarardii september.
Wax badan ayaa la iska weydiin karaa duruufta uu ku soo baxay dhiganahan. Balse haddii laga duulo in buuggu ka turjumayo dareenka dhabta ah iyo duruuftii nololeed ee Najwa iyo Cumar, waxaa laga dheehan karaa awoodda burburineed ee afkaarta aan la miisaamin. Waxay gaadhaysa heer ay qofka ka siibto dareennada dabiiciga ah ee aadanaha sida u tudhista qoyskiisa iyo daryeelka carruurtiisa. Dhanka kalena, waxa uu muujinayaa awooda insaanku u leeyahay iska caabbinta deegaankiisa iyo doorashada dhabbaha noloshiisa. Ayaan darradu se waxay tahay in dad badan, sida Najwa oo kale, ayna awooddaas doorashada lahayn.

No comments

Powered by Blogger.