Header Ads

Sawirka Fiidal Kaastaro ka bixiyay Siyaad Barre


Maalin kasta ma dhacdo in aad akhridid faallooyinka madaxda dunidu ka bixiyaan madaxda kale ee ay la kulmaan. Turjumaadda Yuusuf Garaad ee nuqulka hadallada shir kulmiyay Fiidal Kaastaro iyo madaxweynihii dalk Jarmalka Bari ayaa iftiiminaysa sawirka  Siyaad Barre uu ka haystay mid ka mid ah madaxdii la kulantay.
Fiidal Kaastaro oo shirkan dhiggiisa Jarmalka Bari uga warramaya socdaal uu kusoo maray sannadkii 1977 dalalka Soomaaliya, dalkii hore Koonfurta Yaman, iyo Itoobiya, ayaa si dibloomaasiyadda ka madhan u sharraxaya fikradda uu ka qaatay Siyaad Barre.
Kaastaro waxa uu madaxweynaha hore ee Soomaaliya ku sifeynayaa kibraani isu haysta in uu kaligii wax garanayo, macangag aaminsan kaligii in uu saxsanyahay, iyo waddaniyad cunsurinnimo ah, iyo nin aad isu cajabiyay.
Siyaad Barre ayaa kollay aan filanaynin in jaallayaashiisa shuuciyiinta ah ka daalaan  ereyga "hantiwadaag" haddii laga badbadiyo. Kaastaro ayaa aad u dhibsaday hantiwadaagga Siyaad hal-haysta ka dhigtay, tilmaamayna in aan dhiggiisa Soomaaliga ahi toban kalmadood odhan karin inta aanu ku celin hantiwadaag.
Kaastaro mar kale waxa uu ku dhaliilay Siyaad Barre macangagnimo isaga oo tilmaamaya in aanu cidna dhagaysan, cidna la xaajoon karin. Waxa uu barbar dhigay hoggaamiyaal kale oo uu yaqaan. sida Saadaat kii Masar,  oo uu sheegay in ay lahaayeen shakhsiyaad adag, haddana la gorgortami karo.
Indho adayga iyo hadal badnida Siyaad Barre ayaa aad uga cadhaysiisay hoggaamiya hore eeKuuba. Kaastaro ayaa warbixinta ku tibaaxaya in Siyaad Barre khudbad uga jeediyay in aan isbeddel siyaasadeed ka dhicin Itoobiya, isaga oo ku adkaysanaya incaqliyadda Itoobyaanka ee boqortooy aanay is doorin. Doodda Siyaad Barre ayaa Kaastaro sheegay in ay ahayd: Haddii Mingiste kacdoon hantiwadaag oo dhab ah wado, wuxuu ka tanaasuli lahaa dhulka Soomaaliyeed.
Fiidal Kaastaro ayaa ugu danbayn isku dayaya in uu sharraxo "iscajabinta" Siyaad Barre oo uu aaneeyay fudaydka uu wax kasta ku helay. Waxa uu xusay in guumaystihii siiyay darajadiisa ciidan, kacdoonkiisina qashar lagu ridin, isla markiina uu ka helay kaalmo dhaqaale iyo ciidan midawgii Soofiyeet.
Sawirkaas uu ka qaatay Fiidal Kaastaro uu dabadeedna la wadaagay madaxda dalalkii hantiwadaagga ahaa, nasiib darro, waxa uu saamayn wayn ku yeeshay taariikhda Soomaaliya. Gunaanadka warbixintiisa Kaastaro waxa uu ku caddeeyay in Itoobiya iyo Soomaaliya aan waddamada hantiwadaagu wada hanan karaynin. Ugu danbayntii Itoobiya ayaa waddamadaas Midawga Soofiyeetku horkacayay doorteen, Soomaaliyana dagaalka 1977 ay ku jabtay garab la'aan awgeed. 

No comments

Powered by Blogger.