Header Ads

Fajac

Soo dhaweyntii madaxweyne Biixi ee saaka waxaa iga fajicisay gabadh kamid ah dhalinyaradii Barnaamijka Shaqo qaran oo uu warrantay telefishanka Goobjoog. Waxay tidhi "Carruur aabbahood soo dhaweynaysa ayaanu isu haysannaa."
Ka qaybgalka dhalinyarada Shaqo Qaran ee soo dhaweynta madaxweynuhu waxay su'aal gelinaysaa sabata loo aasaasay barnaamihkan.
Dhalinyaradan ma waxaa loo tabobaray oo hantida umadda loo geliyay inay qaranka u shaqeeyaan mise inay raalli geliyaan qabta (ego) Madaxweynaha?
Ma rabo inaan noqdo balaayo-saadis, balse waxaan ka baqayaa in doorka dhalinyaradaasi soo dhaafo raalligelinta qabta madaxwetnaha. Shaqo Qaran oo Guulwadayaashii Siyaad Barre oo kale noqday inaynu aragno ayaan ka yaabayaa.

No comments

Powered by Blogger.