Header Ads

C/Maalik Coldoon: Nin qiil loo raadinayay loo helay


Warsaxaafadeedka uu shalay kaga hadlay badhasaabka gobolka Togdheer eedaymaha uu u xidhan yahay wariye C.Maalik Muuse Coldoon ayaa caddayn dheeraad ah u noqonaysa in wariyuhu u yahay boojimo damiir. Badhasaabka ayaa sheegay in C.Maalik ku eedaysan yahay ka tallaabsiga xeerar ciqaabeedyo iyo qodobka 18 aad ee xeerka saxaafadda SL.

Si kasta ha ahaate, u fiirsiga qodobadda badhasaabku sheegay ayaa caddaynasa in wariyuhu u xidhan yahay sababo aad uga fog eedeemaha loo soo jeediyay.

Qodobka 18 aad ee xeerka saxaafadda SL ayaa mamnuucaya in weriyaashu baadhis ku sameeyaan dadka jeelasha ku jira. Haddana markii koowaad ee weriyuhu maxbuus jeelka burco ugu tago maaha. 2014 bishii 12 aad, C.Maalik wuxuu waraystay Faysal Warsame Xiifaw oo 10 sano jeelka Burco ku jiray, waraysigiisa iyo olole bulsho oo kalena waxa ay ku midho dhaleen sii daynta ninkaas dilka loo haysta. Markaas hore cidna weriyaha ma ay xidhin, mana hiifin, mana ay cambaarayn, ee maxaa iminka jeelka loogu tuuray? Maxaa is bedellay muddadaas 12 ka bilood ah gudahood? Sharcigu maanu sharcigii ahayn, xeer ilaaliyuhuna laftarkiisi?

Waxa is bedellay bannaanka ayuu yaalla; C..Maalik bilihii u danbeeyay wuxuu ahaa codka dhaliisha ugu badan usoo jeediya xidhiidhka SL iyo Ethiopia.

Xeerka Saxaafadda ayaa badhasaabka iyo xeer ilaaliyuhuba soo xigteen, aynu wada eegno wuxuu dhigayo xeerku. Qodobka 8aad wuxuu sharciyaynayaa in aan suxufi loo xidhi karin hawlo la xidhiidha hawshiisa weriyannimo ilaa ay xalaalayso maxkamad sharci ah. Su’aasha ayaa haddaba ah wariyaha maxkamaddee ayaa ogolaatay xadhigiisa inta aan jeelka la dhigin? Sharciga dhaqan galintiisu haddii lama huraan tahay, sidoo kale habka iyo hannaanka loo fulinayaana waa inaan isla sharciga la gees marin. Sidaas ayuu caqliga fayaw sheegayaa. Budhcad badeedduba waxay sheegtaan in ay xeebahooda ka ilaalinayaan kalluumaysiga qayru sharciga ah, boolis haddan taas kama dhigayso.

Badhasaabka iyo dad badan oo soo dhaweynaya xidhitaanka dulmanaha ayaa ku celcelinaya in weriyuhu waraysi ka qaaday ilmo yar. laakiin waraysiga carruurtu wax sharciga ka baxsan maba aha. Waa marka aynu sharciga SL ka hadlayno. Qodobka 23 aad ee Xeerka Saxaafadda ayaa dhigaya in weriyaashu aanay waraysan karin carruurta aan qaan gaadhin haddaan waalidkood la joogin ama ogoleyn. Dabcan willka yar ee Coldoon waraystay aabihii wuu joogay, weriyahana way wada socdeen.

Waxa dhimanba markaas waa xeer ciqaabeed yada ay soo xigteen, iyana aynu eegno. Xeerka ugu weyn, isaga ayuu ugu hor sheegayaa badhasaabku waa Qodob 205 waxaanu dhigayaa sidan:
Daah ka qaadista macluumaad shaacintiisa la mamnuucay:
Cid kasta oo daaha ka rogta macluumaad shaacinteeda ay mamnuucday jiho ku habboon ( karti u leh, tarjamad erey erey) waxaa lagu ciqaabayaa ciqaab ka yarayn saddex sano.

Qodobkan sidaas u ballaadhan ee cid kasta loo isticmaalo karo cabudhinteeda wuxuu ka mid yahay xeerarka aynu ka dhaxalnay dawladdii hore Soomaaliya asliyanna kasoo jeeda xeer ciqaabeedkii Talyaaniga xilliga Fascism xukumayay. Ballaadhka qodobkan waxa aad ku arki karaysaa in aan la cayimin cidda mamnuuci karta shaacinta macluumaad ka.

Inta aynu soo sheegnay, baal marka hannaanka sharciga markii la xidhayay, ka been abuurka xeerka saxaafadda, ku marmarsiyoodka qodobka 18aad ee horeba loogula xisaabtami waayey isla weriyaha, waxa ay isugu biyo shubanaysaa in qiil loo daydayayay loo helay C.Maalik.

Waxa sii xoojinaya aragtidaas su’aalaha uu u sheegay C.Maalik dadka soo booqday in lagu waydiiyay maxkamadda iyo danbi baadhista. Ma adaa yidhi Ethiopia waa cadawgeen in la weydiiyay ayuu u sheegay weriyuhu koox saxafiyiin ah, sida Facebook uu ku faafiyay Cumar Seerbiya. Ilo wareed oo kale ayaa xaqiijinaya in danbi eedaymihiisa ay ku jiraan hurinta colaad u dhaxaysa labada dal ee SL iyo Ethiopia.

Waxa hubaal ah in xidhitaanka weriyahan uu jiritaanka SL wax weyn u dhimaayo. Dabcan jiritaanka SL ayaan qoray, manaad indha sarcaadin.Laba wejiba wuu ugu xun yahay qarannimadeena. Waa kaw’e, madax bannaanida ayuu dhaawacaysa. Muwaadin loo xidhay raalli gelinta waddan shisheeye, maxay kaaga sheegaysa heerka qarannimo ee dalkeenna? Waa yaabe, yaynu ciidanka u samaysannay haddii shisheeyaha loo cabudhinaayo dhaladka?

Wajiga labaad ee aan maxbuusnimada Coldoon bishaaro ugu ahayn qarannimadeena waxa weeye, waxa ay xididada u siibasaa tiirarka akhlaaqiga ee jiritaanke gabi ahaanba; karaamada iyo xuquuqul insaanka iyo xorriyat qawlka. Waa maxay xorriyatul qawlka inoo hadhay haddii aynaan ka doodi karin siyaasaddenna dibadda, iyo xidhiidhka aynu dunida la samaynayno. Haddaanse la is weydiin karin yaa innoocadaw ah, se yaa inala saaxiib ah, dood noocma ayaa innooga furan siyaasadda dibadda ee dalkeenna?


C.Maalik Muuse Coldoon wuxuu maalin dhaweyd isaga oo qarannimada SL ka hayso hinaaso waddaniyeed weydiiyay wasiirkii hore madaxtooyada in aynu isu talinno iyo in la innoo taliyo. Waxaad moodaa xadhigiisu su’aashaas in uu innooga jawaabayo, walaw yaanay noqonba jawaabtu taynu jeclayn.

Other publishers: Booramanews, Burcoonline

No comments

Powered by Blogger.