Header Ads

Wasiir Warancadde budhcadnimana xilka ku waayi maayo


Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde
Eedaymaha budhcadnimo, afduub, iyo jidh dil loo gaysto muwaadin reer Soomaalilaan ah ayaa ilaa hadda u muuqda in aanay ku filanayn  in madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaado wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde.

Guddoomiyaha ururuka saxafiyiinta Soomaalilaan Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa saaka warbaahinta u sheegay in maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ay ka aqbashay dacwadda ka dhan ka ah wasiirka, amarna ay ku siisay xeer ilaaliyaha gobolka iyo ciidanka danbi baadhista in ay baadhitaan ka furaan eedaymahaas.

Cali Warancadde ayaa ururka saxafiyiinta Soomaalilaan ku eedeeyeen dhammaadkii bishii hore  in uu si sharci darro ah u xidhay wariye C/laahi Ismaaciil Caarshe muddo saddex maalmood ah, iyada oo muddadaasna loo gaystay jidh dil. Ururka ayaa tibaaxay in wariyaha lala tagay guri aan la garanayn meeesha uu ku yaal halkaas oo wasiirku shakhsiyan gacanta u qaaday wariyaha halka mid ka mid ah ilaaladiisuna uu laba dible u qabtay.

Iyada oo aan weli wax natiijo ah kasoo baxin baadhitaankaas ayaa haddana eedaynta oo kaliyaata ay ku filantahay in wasiirku ku waayo shaqadiisa, gaar ahaan iyada oo dhacdadan aanay ahayn markii koowaad ee falal noocan oo kale ah  lagu eedeeyo wasiirka.

Bishii Siddeedaad ee sannadkii 2014 ayaa sidan oo kale wariye Cabdishakuur X.Muxumed Heersare uu ku eedeeyay Warancadde in shaqaalihiisu ay muddo siddeed saacadood ah u haysteen afduub. Wariyuhu ayaa sheegay in nimankii u afduubnaa ay gaadhigii ay wateen ku xareeyeen guriga wasiirka.

Warancadde waxa uu mar kale sannadkii hore warbaahinta horteeda ka caddeeyay sida uu diyaarka ugu yahay in uu ku tafkrifalo awoodaha xilkiisa mar uu waraysi siinayay wariye Maxamed Yuusuf Bakayle. Wariyaha ayuu Warancadde u sheegay in waxa qudha ee ka hortaagan in uu xidho ay tahay in wariyuhu kasoo jeedo magaaladda Ceerigaabo! Hanjabaaddaas ayaan ahayn deelqaafka kaliyaata  ee wariyuhu kala kulmay wasiirka maalintaas. Warancadde ayaan ilaawin in ugu manno sheegto wariyaha joogitaanka Hargaysa, isaga oo sheegtay in haddii aanu wasiir ahaan shaqadiisa kasoo bixin, wariyuhu caasimadda dalka joogi kari lahayn.

Falalka qaarna wasiirkaa lagu eedaynayo, midna uu isagu umadda horteeda ka sameeyay ayaa haddaba marnaba ahayn habdhaqan masuul qaran dimuqraadi ah, run ahaantiina  aad moodaa mararka qaar in laga soo jaray filin maafiyo laga matalay.

Layaab iguma ay noqon aniga markaas in Cali Warancadde lagu eedeeyo danbiga intaas leeg, balse u qaadnwaagaygu ayaa ah sida aan bari hore shaqada looga eryin. Waxa cad inaan wasiirka sharci qabanaynin, aaminsanaynna in sharcigu xidho, waayo sharciga masuul ixtiraamayaa si badheedh ah muwaadin uguma hanjabeen in uu jeelka iskaga tuuri lahaa haddii aanu jeclayn magaalada uu kasoo jeedo.

Ugu danbayntii, su’aalaha isweydiinta mudan ayaa ah: Siilaanyo ma ka warhayaa falalka lagu eedaynayo wasiirkiisa? Haddii uu ka warhayo, miyuu ku taageersanyahay ku tumashada sharciga iyo cabudhinta saxafiyiinta dalka? Haddii aanu kula socon wasiirka habdhaqankiisa, muxuu ilaa hadda wax uga qaban la’yahay? Muxuu wasaaradda ugu hayaa muddada intaas leeg, marka aan wasiirku qarsanaynba diyaarka sida uu ugu yahay ku takrifalka awoodaha xilkiisu siinayo?

 Bogga kale daabacay: Oodweynemedia, hadhwanaag

4 comments:

  1. Waran cadde wuxuu kasoo hadhay, awooddii nabad sugidda siyaas barre, waana halka uu tababrka kasoo qaatay, hanjabaadda iyo cabbudhintu waa qaabka keliya ee uu yaqaanno in dawlad loo maamulo, weli lamuu qabsan nidaamka dimuqraadiyadda iyo qaabka ay ula dhaqanto saxafiyiinta iyo bulshada inteeda kale.

    ReplyDelete
  2. Waran cade busaarada iyo saxaafada midna uma samri karo,
    Markaa saxafiyiintu ha iska ilaaliyaan :)

    ReplyDelete

Powered by Blogger.