Header Ads

Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera oo Horseeday Cabudhinta Saxaafadda

                             


Heshiiska xukuumadda Soomaalilaan la gashay shirkadda DP World ayaa sabab u noqday cadaadis iyo cabudhin dheeraad ah oo xukuumaddu ku hayso warbaahinta.Warbixin afar-bille ah oo ay maanta soo saartay Xarunta Xuquuqul Aadanaha Hargaysa ayaa sheegtay in sagaal wariye loo xidhay sababo shaqadooda la xidhiidha awgood afartii bilood ee Abril ilaa Ogos. Shan dacwadood oo cusub ayaa iyana dawladu ku soo oogtay weriyayaal isla mudadaas.
Kala badh dacwadahan iyo xadhiga lagula kacay wariyayaasha ayaa xidhiidh toos ah la leh heshiiska maal gelinta dekeda Berbera. Cabdiraxmaan Maxamed Cige, wariye ka hawl gala Somali News Tv, waxa lagu xidhay magaalada Berbera 25 kii May kadib markii uu soo tebiyay kalmad uu xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Berbera uu ka jeediyay goob uu joogay madaxa shirkadda DP World.

Guddoomiyaha wargeyska Foore, Cabdirashiid Cabdiwahaab ayaa isna Hargeysa lagu xidhay markuu daabacay qoraalo tibaaxay in qoyska madaxweynuhu saami ku leeyahay heshiiska maalgashiga dekedda. Dacwad ayaa  isaga iyo tifatiraha wargeyska kaga furan maxkamada Hargeysa.

Tirada wariyayaasha loo xidho shaqadooda darteed ayaa sare u kacday sanadkan. Toddobadii bilood ee tagay ayaa labaatan wariye xukuumaddu xabsiga dhigtay muddooyin kala duwan. Sannadkii 2015 oo dhan tiradu waxa ay ahayd sagaal iyo toban.

Arrintan waxa ay caddaynasaa sida xukuumaddu ugu heelan tahay meel marinta heshiiska ay saxeexday.

Warbixinta Xaruntu soo bandhigtay ayaa iyana waxa ku cad sida dawladu diyaar ugu tahay in ay adeegsato awoodda garsoorka marka loo soo jeediyo eedaymo musuqmaasuq. Tifatiraha bogga wararka ee Hangoolnews ayaa xukuumaddu ku eedaynasaa in uu qoray warar been abuur ah oo sheegaya in maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Cigaal uu badeecado dhaafiyay cashuurta kastamka. Dacwad kale oo eedaysane uu ka yahay tifatiraha wargeyska Ogaal ayaa iyana ah in uu daabacay warar ku saabsan wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera iyo awoodda marwada madaxweynaha.

Dhamaan dacwadaha lagu soo oogey wariyayaasha waxa cad in ay salka ku hayaan dhawr qodob oo ka mid ah xeerka ciqaabta Soomalilaan. Qodobadan oo Xarunta Xuquuqul Aadanaha Soomaalilaan sheegtay in dastuurka ay ka soo horjeedaan ayaa dawladdu u adeegsataa cabudhinta saxaafadda iyada oo baal maraysa Xeerka Saxaafadda 2004.

No comments

Powered by Blogger.