Header Ads

Maxaynu ka baranay Af-gembiga dhicisoobay ee Turkiga?


Baraha bulshada ayaa ilaa xalay laga dareemayay in si weyn Soomaalidu ula socdeen afgambigii dhicisoobay ee qayb kamid ah milatriga Turkiga isku dayeen in ay talada dalka  kula wareegaan. Arrimaha aynu ka barannay dhacdooyinkii xalay waxa ugu mudan:

  1.  Awoodda Shacabka qiimaha xorriyadda garanaaya
Waxa caddayd sida Ordogaan ugu halliilayay  in dhawaaqiisa uu gaadhsiiyo shacabka. Waxa uu ogsoonaa awooddiisa dhabta ahi ay tahay shacabka. Hawlgal ka ciidan ku waxa uu bilaabmay Ordogaan isaga oo fasax ku jira, telefishinka qaranka markii la xidhayna dantu waxa ay ku kalliftay in uu janan kale kala hadlo taleefan muuqaal leh. Kuma uu hungoobin dedaalkiisa oo isla markiiba waxa bilaabmay qulqulka dadweynaha diiddan inqilaabka oo isugu soo baxaya wadooyinka iyo garoonnada waaweyn.

Khalad ka weyn ma jiro haddaba in la iska dhaadhiciyo in dadka af-gembiga ka hortagay ilaa waaberigii saaka ay wada ahaayen taageerayaasha Ordogaan iyo xisbigiisa AK. Sida farriimaha baraha bulshada lagu arki karaayay laga dheehan karo, in badan oo ka mid ah dadkaasi xisbiga AK maba taageeraan.Dadkaasi gurmad ka uma ay soo galin jacayl ay u hayaan Ordogaan iyo xisbigiisa, balese waxa ay ilaashanayeen dimiqraadiyaddooda.

Bulshadaas xalay dibad baxyada dhigtay ee mucaarad iyo taageerayaal ba isugu jiray iyaga ayaa xalay halyeyada koowaad ahaa. Iyaga ayaa niyad jabka ku riday askartii inqilaabka isku dayday _ma dadkooda ayay rasaas ku furaan askartu?.Sawirada geesinnimadu ka muuqate ee dadweynaha hor jiifa kaarayaasha, ama gacmahooda madhan ku riixaya, ugu danbaynna dushooda ku jaasaya waxa ay marag u ahaan doonaan awoodda shacabka haatan iyo mar walba.

Waxa inoo baxay in umaddu marka ay wada garato qiimaha dimuqradiyadda aan cadaw dhulka hoostiisa dhagar ku soo maleegay iyo ciidan habeen soo guday toona aanu cabudhin karin.

     2. Awoodda Isgaadhsiinta

Halyayga xalay ka qayb qaatay dhicisawga inqilaabka balse maanta aan loo gabyaynin waa isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada casriga ah. Askarta inqilaabka samaysa waligeed qorshahoodu waxaa ka kow ah kooto ku qabsashada xogta ay dadku helaan. Waxa ay la wareegaan telefishanka qaranka iyo raadiyawga dabadeedna cid aan iyaga ahayn ereyba lagama maqlo.

Kootadaas xalay waxa jabiyay internetka, isla daqiiqadihiiba daafaha adduunka oo dhan si toos ah waxa lagala socday sida ay wax u dhacayaan. Ordogaan oo baraha bulshada hore isugu dayey in uu xidho, xalay wuu ka faa'iday isla barihii uu dagaalka la galay.
Kelmaddiisi koowaad shacabka waxa uu  uga jeediyay telefishan uu kula soo xidhiiday taleefan Iphone ah isagoo isticmaalaya adeega Facetime. Kalmaddaas waxa ay horseedday abaabul bulsho oo laxaad leh oo ka qayb qaatay jebinta inqilaabka.

Fal celintaydi koowaad markaan arkay warka inqilaabka waxa uu ahaa qoraal aan Twitter soo dhigay oo ahaa “ isku day inqilaab ayaa ka socda Turkiga, ma guulaysan doono, lixdameeyadii ma noolin,”  Askartu waxa aad moodaa in aanay iyagu weli fahmin in adduunyadu in badan is-beddeshay.

     3. Isku xidhnaanta damiirka shucuubta Dunida Muslimka
Si isku mid ah ayaa xalay loogu saamalaylay Muqdisho, Hargeysa, Istaanbuul, Anqara, Qaahira, Riyaad, Maraakish, iyo Xalab, iyo dhamaan magaalooyinka waaweyn eeCaalamka Islaamka.. Baraha bulshada ee guud ahaan gobolka waxa haystay warka afganbiga. Waxa ay u ekeyd in wadna-garaaca gobolku si aan hore loo arag isula helay jiibta.

Jiibtan la is la helay waxa suurta gelisay siyaasadda iskaashiga islaamiga ah udub dhexaad ka u tahay ee xisbiga AK hormuud ka ahaa sannadadii u danbaysay. Siyaasaddan oo wejiyadeeda ay ka mid tahay taageeridda kacdoonnada xorriyad doonka ah ee Carabta, kaalmaynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Marinka Qaza, iyo gacan qabashada Soomaaliya.


4. Dhallinyarada Soomaalidu siyaasadda adduunka wey xiisaysaa_Ta dalalkooda maya

In kasta oo ay arrin lagu farxo tahay dhalinyaro danaynasa siyaasadda, haddana xiisaha, iyo firfircoonida xalay ka muuqatay oo kale lagama helo  dhallinyarada Soomaaliyeed arrintu marka ay khuseyso dalalkooda.
Tusaale ahaan, sannadka horraantiisi Jabuuti waxa ka dhacday doorasho macmal ahayd oo Ismaaciil Cumar Geelle marka kale talada kusoo noqday. Intii ay socotay, codka shacabka reer Jabuuti si xoogan uma aynaan maqal iska daa Soomaali kale oo doonistooda garab istaagta'e.

Soomaalilaan waxa iyana kusoo fool leh doorasho guud oo labaatan bilood dib uga dhacday wakhtigeedi imminkana la hadal hayo in mar kale dib loo sii dhigo. Nasiib darro dhalin yaro badan oo ka hadlaysa ma jirto,  diidmo xoogan cid kala hortagaysa haddii ay dawladdu go’aansato in ay dib u dhigto iyana ma muuqato.

Danayn la’aanta dhallinyartu siyaasadda u hayso oo sababo badan ay keentay ayaa saamayn taban ku leh horumarka siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee Soomaalida. Waa kaw, waxa ay suurto gelinasaa in siyaasiyiintu ay ku kacaan wax kasta ay rabaan, sababta oo ah ciddii ay iska eegi lahaayeenba dan kama laha waxa dhacayaba. Ta labaad, dhallinyarta oo ah bulshada qaybta ugu ballaadhan haddii ay siyaasadda danayn waayaan. danahoodana waa la iska illaawayaa, illeen dad aan hadlaynin cidna uma shaqayso’e.

No comments

Powered by Blogger.