Header Ads

Aas Qaran iyo Maxamed Cali Samatar?!!


Aas qaran waxaa loo qabtaa dadka shaqo la mahadiyo u qabta dadkooda iyo dalkooda, talaw muxuu Soomaaliya uga tagay Maxamed Cali Samatar si uu muutaysto sharaftan?

Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii 1969 kii inqilaabka talada dalka kula wareegay.Waxa uu ahaa
mar kasta ninka labaad ee nidaamkii Siyaad Barre ee kaw iyo labaatan ka sano ka talinayay dalka. Nidaamkaas wuxuu ku kacay danbiyo ka dhan ah insaaniyada, danbiyo dagaal oo ka dhan ah shacabkiisa. Waxa uu ku suntanaa xukunkiisu tacaddi xuquuqul aadanaha; kasoo bilaw xadhigyada aan la galaabsan, dilal ka sharciga ka baxsan, cabudhinta bulshada iyo xakamaynta xorriyatulqawlka.
.Jujuubka iyo cabudhiska bulshada waxa uu dheeraa colaad uu  nidaamkaas ku dhex beeray qabiilada si uu xukunka u sii haysto. Colaadahaas iyo nacayb kaas ilaa maanta saamayntoodi waa qaar muuqda..
Ugu danbayntii nidaamkaas macangagnimadiisa awgeed waxa uu talada ka cararay isaga oo  dalku qarka u saaran yahay macaluushii ugu darnayd ee inta taariikhda la og yahay soo marta Soomaalida.

Soomaaliya labaatan iyo shan sano ka dib haddii ay maanta aas qaran ku sagootiyayso madaxdii nidaamkaas waxa cad in aanay waxba ka baran aayatiin xumada xukunka talo maroorsiga. Waxa cad in aanay wali yeelan jiheeye akhlaaqeed (moral compass) oo ay ku kala gartaan waxa saxda ah iyo waxa khaldan arrimaha quseeya maamulka iyo dawladnimada marka laga hadlayo.

Soomaaliya ha ogsoonaato ama yaanay ogsoonaanin maanta waxay maamuusaysaa ku fallaagowga axdiga bulshada ka dhaxeeya (dastuurka,) ku tumashada xuquuqul-aadanaha, iyo ku kaca dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhanka ah insaaniyada. Samatar iyo nidaamkii uu lanbar labada ka ahaa intaas ayay u taagnaayeen.

Yaan la is qoomamayn haddaba marka Samatar umadda halyeyga looga dhigayaa ay qaar ka mid ah  ay ku daydaan oo ku kacaan falalkiisi kuwo la mid ah mustaqbalka.

No comments

Powered by Blogger.