Header Ads

Siyaasadda Soomaaliya ee Jinsiga iyo Doodda Mudan in la yeesho


Meelo riwaayad ah ayaa Soomaalidu warka ka helaan, muranka ka taagan Siyaasadda Jinsiga ee xukuumadda Sharmaarke ee Soomaaliya taas ayuun buu salka ku hayaa_ warar ku tidhi ku teen ah oo bulshadu isla dhex qaadayso.

Guurka dadka isku jinsiga ah meel uu kaga jiro siyaasadda ay xukuumaddu ansixisay ma jirto! Nuqulka qoraalka siyaasadeed ee xukuumaddu faafisay mar kaliyaata laguma xusin dad isku jinsi ah xidhiidhkood ama guurkood.

Qorshaha siyaasadeed ee dawladdu soo bandhigtay waa mid hor-u-socod ah oo daboolaysa baahi aad loogu qabay. Waxa uu hiigsanaysaa cidhib tirka takoorka ku salaysan jinsiga qofka, iyo u samaynta dumarka Soomaaliyeed fursado u dhigma kuwa ragga dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo awoodda siyaasadeed,

Dagaalka sokeeye ee dalka haatan uun ka soo kabanaayo iyo dhaqanka Soomalida ayaa abuuray xaalad gurracan oo dumarka  ay ku dhacdo culays ka iyo masuuliyadda badankeedu, halka ay ka helaan daryeelka, xuquuqda, iyo awoodda go'aan inta ugu yar. Waxa la joogaa xilligii isku dheelli-tirnaan la'aan taas la sixi lahaa, si nabad iyo horumar raandhiis ah dalku u gaadho.

Siyaasaddan ayaa dadka aad ka uga soo horjeeda waxa hor kacaya qaar kamid ah culimada diinta oo aan qirsanaynba marka hore in Ilaahay simay mataanaha laboodiga iyo dheddiga ilma Aadan. Waa arrin laga xumaado, balse hoggaamiyaasha diineed ee dalka in halkaas hoose horta looga soo bilaabo doodda ayaa habboon_In la fahansiiyo in aan bulsho dadkeeda kala faquuqdaa aanay hanan karin horumar, inta ay gaadhana raandhiis noqon karin.

Baahidan loo qabo siyaasaddan ayaan haddaba ka dhignayn in ay iin ka madhantahay. Tusaale ahaan, waxa qorshaha xukuumadda ugu jira in ay mamnuucdo gudniinka hablaha noocyadiisa oo dhan_ ka sunniga markaa lagu daro. Xukuumaddu ma sharraxayso waxa soo kordhay ee ay u badashay siyaasaddeedi ahayd in gudniinka Fircooniga ah oo kaliyaata la mamnuuco. Cilmi baadhis cusub oo caddaynasa in gudniinka sunnigu waxyeelo ku yahay hablaha ma soo bandhigo tusaale ahaan. In sharci darro laga dhigo dhaqanka umadda, lana afduubo doonista waalidka carruurta, iyada oo aanay jirin wax baahi ah oo qasbaysaa, waa ku takrifal awoodda fulineed ee dalka.

Guntii, halka ay bulshadu isla dhex marayso qawmu-luudnimo ayaa la sharciyeeyay, doodda ay mudan in la yeesho ayaa ah: siyaasaddan ma ku filantahay in la helo sinnaanta jinsiga iyo awoodaynta haweenka Soomaaliyeed ay muutaysteen, iyaga iyo dalkana dhiifta badan ay ugu jirto.

Halkan ka akhri qoraalka siyaasadda

No comments

Powered by Blogger.