Header Ads

Muranka Heshiiska Dekedda Berbera.. Eedda yaa iska leh?


Heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee shirkadda DP world xukuumadda Somaliland la gashay waxa weeye maalgashi dibadeed oo Somaliland hesho intii ay jirtay kii ugu ballaadhnaa, muranka iyo is qab-qabsiga ka taagan maalmahan u danbaysayna waa qayr masuulnimo halkii u danbaysay.
Eedda masuuliyad darradan ayaa  waxa si isku mid ah  u wadaagaya xukuumadda iyo dadka heshiiska kasoo horjeeda ee soo qaban qaabiyay bannaan baxyada ay saaka magaalada Berberi ku waaberiisatay.


Dibadbaxyada saaka ka dhacay Berbera iyo meelo kale waxay welwel gelin karaan dadka raba in ay maalgashi ku sameeyaan dalka. Soomaalilaan oo caalamku u arko  meel khatar ay tahay in lacag la gashado, xukuumadduna dadaal ay ku bixiso fikraddaas in ay beddesho, haddii kuwa yar ee innagu soo dhiirrada shaag gubitaan lagala hor tago, farriinta aynu diraynaa waa noocma? Waad soo qaldanteene, inaad dhagaysataan dadka idiinka digayay khatarta ka jirta dalka ayay ahayd?! Ma sidaasaa?


Raasamaalka iyo xasilooni darradu meel ma wada joogaan sidoodaba. Maalgashiga dadka sameeyaana khatar inta ay yarayan karaan ayay ku dedaalaan markastaba.


Haddana bulshada bannaanbaxa dhigaysay eedda kaligood ma saari karno; maxaayeelay sida maalgashigu u shaqeeyo iyo jawiga uu baahanyahay dhammaantood aqoon uma wada lahaan karaan. Taas waxa dheer inay caddahay in diidmada heshiisku ay salka ku hayso in shacabku ka kalsooni baxay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Yaana ku canaanan kara?


Xukuumaddu waxay aad uga gaabisay sharrixidda heshiiska iyo in ay si waafi ah usoo bandhigto dheefihiisa. Faah-faahinta ugu badan ee qodobadda lagu heshiiyay, sida qiimaha guud ee maalgashiga, waxa bulshadu ka heshay jaraa’ido ajanabi ah. Wax dadaal la taaban karo oo dadka lagaga dhaadhicayo dheefaha heshiiskan dawladu kuma ay kicin.


Waxa taas sii dheer oo kalsooni haddii ay jirtayba sii xaalufinaysa habka xukuumaddu u waajahday mucaaradka heshiiska dhaliilay sida afhayeenka garabka dhalinyarada ee Waddani oo Hargeysa ku xidhan laba toddobaad.


Xukuumaddu waxa ay ballanqaadasaa in heshiiska baarlamaanka ay hor keeni doonto, hab sharciga waafaqsanna loo ansixin doono, balse yaa hadalkeeda qaadanaya marka falkeeda la arkayo? Laba usbuuc bilaa maxkamad muwaadin fikirkiisa dhiibtay markaad jeel ku haysatid, cid kaa dhegaysanasa sharciga ayaan ixtiraamayaa, xaashaa weeye inaad heshaa!

Published in Oodweynenewshadhwanaagnews

No comments

Powered by Blogger.