Header Ads

Burco: Dhambaal Jacayl



Toban iyo kow  sano ka hor ayaa ay ahayd markii ugu horreysay, ugu na danbaysay ee aan qoro dhambaal jacayl. Ma aan qorin oo keli ah balse si yaxyax ka madhan oo baanis ku jirto ayaan uga hor akhriyay bas buuxa oo ay saaran yihiin ardaydii iyo macallimiintii dugsigayga. 


Gacalisadaydu ma ay ahayn inan aan calmaday, balse waxaay ahayd magaalo aanu iscalfan weynay. Burco.


Dugsiga sare ayaan ku jiray oo fasalka labaad ayaan dhiganayay. Waxaan ka tirsanaa naadiga Quraanka oo dalxiis ku tagayay magaalada Burco. Maadaama aan ahaa Burcaawiga ugu weyn ee kooxda dalxiisaysa, aniga ayaa la ii xsaaray in aan erey ku saabsan magaalada u jeediyo ardayxa inta aannaan beladka gelin.


Saaxiibkay Ibraahin ayaa ju adkaystay in aanan khudbadda jeedin ilaa ay noo muuqato magaaladu oo aannu aragno ciiddeeda sumadda gaarka ah leh. Waa uu ku saxsanaa oo dhambaalka ayaa ku bilaabmayay sifeeynta juquraafiga magaalada oo ku dhaadanayay ciiddeeda aan ku sheegay mid xarrago huwan iyo barta ay ku taallo oo aan ahayn raf buur ah iyo godan cudurro dhaliya midna, iyo dooxeeda deeqsiga ah.


Wax badan ka ma xasuusto khudbaddaas carabiga ku qornayd inteedi dhexe. In ay taariikhda magaalada iyo doorka hormuud ee dadkeedu ku lahaayeen sooyaalka Soomaida ku jireen ayaa se ii sawiran.


Waxaan ku soo gababeeyay 'ku soo dhawaada magaaladayda, magaaladiinna, magaaladeenni iyo magaalada dadka oo dhan.’


Lix iyo toban jir ayaan ahaa oo ereyadaas si daacad ah ayaan u rumaysnaa; in Burco aniga uun ayna magaalo ii ahayn  iyo asxaabtayda ila socota ee reer Somaliland, balse ay magaalo u noqon karto aadane kasta. 


Si kasta oo aan idnaha uga laliyo, muddaba waa ay iska caddayd Burco iska daa inay magaalada dadka oo dhan noqoto’e, in ay i gabtay aniga iyo kumannaan ila mid ah oo dadkeedi ah.  In badan ba ma ay ahayn meel dadkeedu ay karaankooda ku xaqiijin karaan; meel lagu soo hirto si riyooyinka loo dbabeyo. Caddaymaha isa soo taraya ee leh xaaladda iyo qaab-nololeedkeedu ba waxa ay sheegayaan inay noqotay goob hibada ay ka haayirto hibada ku kacaantay ama ay ku qaadho; goob hal-abuurku garac yahay, hidduhu yahay sooyaal iyo siiyaal. Wax kasta oo macne qurux leh u yeelayay in uu si tartiib ah isugu rogay iin iyo nabar ku yaalla. Magaalo dhagaxowday.


Qirashadaasi ma sahlana. Malaha afkayga kama ay soobixin; farahaygu ma daabicin. Hadda waa aniga oo indhaha ku kala qaaday, lugahayga markii ugu horraysay ku ka la baxshay, ayna ahaanshahayga iyo tixraacayga maskaxeed u qaabeysay siyaaboaan tiro lahayn. Aniga oo ay dhismayaasheeda iyo waddooyinkooda iigu sawiran yihiin xaqiiqooyinka jiritaanka kuwooda ugu doorka roon. Waa anigayga xaaladdeeda og, haddana haddeer oo daltabyo igu soo siqayso leh 'arladii barakaysnayd, Burco waynu tageynaa.’ 


Sakadaha dhaadheer ee astaanta u ah magaaladu haddii ay beri iigu suntanaayeen tubta qumman ee liibaanta ku aroorta, maanta naqshad xumo iyo nolol la'aan baa iiga muuqda. Dacal marka aaad ka istaagto ilaa ishaaadu inta ay qabato waa haawanaysa. Tusaalayaal badan oo amakaag leh ayaan arrintan ku garowsaday. Waxaa ugu layaab badnaa habeenkii uu nin aan asxaab nahay nala soo hadlay ee yidhi halkeebaad joogtaan. Hudheelka Kulmiye waa annagaa ka soo baxnay iyo waxaa isxigay 'halkiinna taagnaada waan idin arkaaye'. Waxa uu taagan yahay meel xoogaa ka danbaysa masaajidka Afgooye! Xaarwada shishadeeda. Geerashkii dhagaxa sokadiisa. Waa 2012kii. 


Sanadkii 2018 kii ayaan mar kale aniga oo muddo ka maqnaa dib u booqday. Makhribka marka laga baxo ayaan aniga iyo walaalkay magaalada caweys ugu soo bixi jirnay. Gurigayga ilaa inta aannu suuqa soo gaadhayno ayaan tirin jirnay bal inta qof ee naga soo hor baxa. Waa socod lug ah oo ugu yaraan  labatan daqiiqo ah. Mugdiga waxaad mooddaa saqbadh inaad guuraynasid geyi cidlo ah oo laga guuray. Dayaxa aynu ku guurayno iyo xiddigaha ayaan kula kaftami jiray habeen kasta. Hadal la'aan iga ma ahayn iyo soo celcelin fikir la'aaneed, balse habeen kasta amakaag cusuub ayaa ay igu noqon jirtay magaaladan madhan ee  aan ilayska lahayn.


Fajacisadu intaas uun kuma koobna. Gurigayga waxaa afarta jiho ka xigay saddex masjid oo isku masaafo u jira. Shan daqiiqo oo lug ah wax aan ka badnayn. Waa ay isu wada muuqdaan. Xaafaddaasi haddana hal  goob oo bulahadu isugu timaaddo ma laha; hal maktabad guud ma leh oo magaalada ba mid keli ah oo yar ayaa ka furan. Garoon kubad ama gegi ciyaareed ha sheegin. Madal gaaf laga dhigo magaalada dhan ka ma jiro. Bal waa ba ka mamnuuc ciyaar nooc ay noqotaba. Aroosyada ayaan xataa loo ogoleyn. Guri geeri ka dhacday oo asay madoow la wada sito iyo madal baroordiiq ayaa magaaladu u eegtahay.


Dareennada shanta ah wax farxad geliya kuma arkaysid. Haddaad dadka eegtidna habaaska dhulka waxaa indhaha daraandar kuugu daraya dadka wada xidhan khamiisyo midabkoodu beri caddaan ahaan jiray. Si isku mid ah ayaa diiftu uga muuqataa dadka iyo degmada.


Illeen aniga uun baa niyaysanayay magaalo la ciiraysa nolol, ee muddaba waayuhu u ma roonayn jacaylkaygi. Iyana sida caadada u ah dadka xilliyada adag, diin ayaa ay miciin bidday. Mowlac inta ay gashay, suuf adag na xidhatay ayaa ay nolol iyo damaceedi dhaar ka martay. Waxa aan la helayn waxaan la rabin ka soo qaad baa ay tidhi oo aakhiro ayaa ay u guurtay. Balse maskaxdeeda ayuun baa godka ku jirtee, jidhkeedi oo qolfoof bilaa ruux ah ayaa soo foolxumo yuururta. 


Waa aanan ku baraarugsanayn’e geeddigu dhankaas sannadoba badan ayaa uu u sii jeeday; angia lafrarkaygu na mar baan hayaanka garabkayaga kaga jiray. Dabadeed waa aan ka guuray oo galbeed baan tagay iyo meelo ka sii shisheeya. Haddii aan soo noqdayna majaraha ha la saxo maan odhan. Anigu baan waan gaabshaysida nasteeexadeeda iyaba sida ay ii gabtay. 


Haatan arageedda iyo xasuusteedu marba ladh ha igu soo kiciyaan. Aan daawado hummaaga waxay noqon kari lahayd iyo sida ay tahay. Aan hoosta uga damqado jacayl hore oo waayuhu ciilay. Aan qarsado niyadjabka iyo calool xumada. Nafta na canaanta iyo eeddaynta aan ka dhowro. Mise sida gobta ayaan ugu halgamaa? Farxadda iyo naruuradaan dib ugu casuumaa? Waxsoosaarka iyo xoogsigaan ugu baaqaa? Dayrkaan burburiyaa, suufka ayaan gubaa? Shamac ayaan mugdiga ka dhex siraadaa; geed baan beeraa? 



 


No comments

Powered by Blogger.