Header Ads

Insaanka, Bulshada Iyo Horumarka


Hiigsiga ugu weyn ee dalalka saboolka ahi waa in ay gaadhaan horumar. Siyaasiyiintoodu waxa ugu weyn ee ugu ballanqaadaan waa horumar. Sida oo kale waa horumar waxa bulshooyinka hodanka ahi ay u sheegaan in ay ka taageerayaan. Waxaa horumarka ku howlan ururro dowli ah iyo kuwo aan ahayn, kuwo waddani ah iyo kuwo caalami ah, oo dhammaan ba la sheego in ay u heellan yihiin horumarka dalalka saboolka ah.
Horumarku haddaba maadaama uu yahay waxa ay baadigoobayaan insaanku 70kii sano ee ugu danbeeyay, su'aashu waxay tahay waa maxay horumarku? Sidee ayaa uu u eegyahay horumarka aynu raadinaynaa?
Sida ugu fudud ee horumarka loo qeexi karaa waa: in qiimi lagu daro nolosha aadanaha. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in marka hore aynu fahano dabeecadda aadanaha.
Insaanka
Aadanuhu waa jire nool oo ogsoon in uu noolyahay. Waxa uu noolayaasha kale la wadaagaa baahiyo shardi u ah jiritaankiisa oo ay kamid yihiin cunto, biyo, hoy iyo dugsi. Balse waxa uu noolayaasha kale ee dhulka uu dheer yahay garaadka..
Garaadkaasi waa waxa u saamaxay in uu daboolo baahiyihiisa bayoolajiadeed ee shardiga u ah jiritaankiisa, haddana ay u soo hadho tamar uu kaga shaqeeyo arrimo aan xidhiidh la lahayn samatabixiisa.
Sidaas darteed waxa aynu odhan karnaa Aadanuhu waa noole ka madaxbannaan jiritaankiisa bayoolajiyeed. Tani waa qodob muhiim ah, oo u muuqata in ay tahay nuxurka ahaanshaha insaanka. Waa gobnimada iyo madaxbannaanida oo gaadhsiisan heer uu ka xoroobo jiritaankiisa.
Madaxbannaanidani aaadanaha waxa ay saartay mas’uuliyad ah in uu ogaado sababta jiritaankiisa; in uu macne iyo qiimi u raadiyo ahaanshihiisa. Halkanna waxaa ka soo baxaysa heer kale oo baahiyo ah, oo aadanuhu kaga soocan yahay noolayaasha kale.
Labadaas lakab ayaa ay ka kooban yihiin baahiyaha aadanuhu - baahiyo bayoolajiyadeed oo shardi u ah jiritaankiisa, iyo baahiyo bilaya oo qiimi u samaynaya jiritaankiisa.
Haddaba, horumarka aynu raadinaynaa waa in qofku ka haqab beelo baahiyaha heerka koowaad iyada oo awood loo siinayo in uu isagu daboosho baahiyihiisa heerka labaad. Waa gobaynta qofka insaanka ah. Waa in qof kasta oo kamid ah bulshada loo xaqiijiyo madaxbannaani bayoolajiyeed jeer uu awoodo in noloshiisu yeelato macne ka baxsan jiritaankiisa.
Bulsho
Balse ma jiro qof keligii iska bixin kara canshuurta bayoolajiyadda oo isla markaasna awood buuxda u yeelanaya ama ay u baaqanayso tamar uu macno ugu samaysto nolosha. Qofna keligii ahi inta uu helo dugsi, cunto cabitaan, caafimaad, lammaane uu la tarmo si uu sinjigiisa u reebo, haddana awood uma laha in uu isla mar kaasna ka fikiro sababta jiritaankiisa, farshaxan iyo hal abuur in uu muujiyo. Waahyadii tirada aadanuhu yarayd ayaa tani adkayd, haddii ayna ahaynba waxaan suurtoobi karin. Xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waa in aanay suurtogal ahayn wakhtigan.
Waa halka bulshadu ka timid oo asalkii ahayd in koox dad ah iska kaashadeen daboolista baahiyahooda aasaasiga ah. Sababo badan ayaa tan keenay oo ay muhiim tahay in aynu fahanno. Waxaa kamid ah tamar darrada qofka keliga ah; tarnatanka dadku ugu jiraan isla khayraadka kooban ee lagu haqabtirayo baahiyaha; iyo garaadka oo aadanaha u saamaxay inay iskaashi habsan oo loodsan yeeshaan.
Iskaashigani waxa uu keenay in qofkii (qudhii) kastaa ka tanaasulo qeyb kamid ah madaxbannaanidiisa si loo maareeyo wadajirka kooxda. Halkii qudh kastaa aroortii u foofi lahayd waax gaar ah, in la isku raaco in meel loo wada qadhaabsi tago. Halkii qof kastaa adeegsan lahaa tab iyo xeelad kasta oo uu baahiyihiisa ku daboolayo, waxaa la gu heshiiyay habab gaar ah oo qof ku waxa uu doonayo ku heli karayo.
Markaas iyo haddeer ba u jeeddada sharciga ah ee bulshadu u dhisan tahay waa in la iska kaashado bixinta canshuurta bayoolajiyeed, iyada oo isla markaasna la maaraynayo tartanka qudhuhu ugu jiraan haqabtirka baahiyahooda maadaama uu halis gelin karo jiritaanka laftiisa.
Balse mar kasta sidaas ma aha. Aadanihii iskaashigaas galay si uu uga xoroobo bayoolajiyaddiisa, waxa uu galay guumaysi kale oo ah kii bulshada. Bulshadu cid kasta iska ma aqbalayso, shuruudo ayaa ay ku xidhaysaa qof ka ku soo biiraya. Waa in uu ‘sideeda’ oo kale u dhaqmaa, u fekeraa, u eekaadaa. Qaabkaas ay bulshadu qofka ka doonaysaa waa sida ‘saxda’ ah ee loo dhaqomo, loo fikiro, loona eekaado. Insaankii dadka kale ku biiray si uu uga xoroobo jiritaankiisa, waxa uu xorriyaddiisi siistay kamid ahaanshaha bulshada!
Aan hoosta ka xarriiqno, Dhibaatadu maaha bulsho kamid noqoshada iyo ka tanaasulka qeyb kamid ah xorriyadda ‘gobanimada’ shakhsiga ah. Balse waa heerka iyo baaxadda ay le’eg tahay xorriyadda lagu doorsanayo kamid ahaanshaha bulshada. Waa dheelliga ka jira waxa qofku qaadanayo iyo waxa ay bulshadu kaga bedelanayso. Dhaca ugu weyn ee kownkan ka jiraa waa in bulshadu qofka baahiyihiisa tirsan -cunto, biyo, dugsi, amni, lammaane, jacayl - ka siisato nuxurka jiritaankiisa oo ah madaxbannaanidiisa. Dhiiladu ugu weynina waa in laga maarmi karo isweydaarsigan gurracan - Qofku baahiyahiisa bulshada waxa uu kaga gadan karaa wax aan ahayn gobanimadiisa, isaga oo adeeg ku doorsanaya adeeg kale, waayo-aragnimada qof kale siisanaya waayo-aragnimadiisa, iwm.
Horumarku waa haddaba waa in la xaqiijiyo gobannimada dhabta ah ee aadanaha; in loo yeelo qiimiga ugu wanaagsan ee suurtogalka ah. Taasi na waxa ay ku suurtogelaysaa in uu kamid noqdo bulsho iska kaashata shuruudaha jiritaanka xubnaheeda, isla markaasna u dammaanad qaadaysa xorriyad uu qof kastaa ku noqon karo waxa ugu wanaagsan ee uu noqon karo.
Horumar ma jiro xorriyad la'aan. Xorriyad dhab ahi na ma jiri karto horumar la'aan.
Xor maaha insaanku marka uu u dhimanayo macaluul, harraad, caafimaad la'aan. Sida oo kale gob maaha haddii uu intaas ba haysto, balse aanu xorriyad fikir, siyaasadeed, halabuurnimo iyo is-cabbirid haysan.

No comments

Powered by Blogger.