Is-beddelada Sucuudiga: Shucuubta Carabta Maxaa Kala Gudboon
Aroornimadi 29 april ayaa shacabka sucuudigu ku waaberiisteen decreetooyin boqortooyo uuu ku baddalay safkii dhaxaltooyada ee boqortooyada, iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Boqorka aya u dallacsiiyay Maxamed Bin Naa’if, sugaha labaad ee kursiga suge koobaad, inankiisa Amiir Maxamed Bin Salmaan ka dhigay sugaha 2aad kursiga boqortooyada. Isbedalka wasaaradahana ugu muhiimsan xil wareejinta Sacuud ALfaysal, oo booska wasaaradda arrimaha dibbada hayay 39 sano.
Go’aanadan aya la isku
raacsanyay in ay wax badan ka badalayaan siyaasadda sucuudiga iyo dabeecada
boqortooyada lafteerkada.
Siyaasadda
arrimaha dibadda ayaa la saadalinayan inay noqon
doonto mid ka dhiirran sidii hore, kuna astaansan firfircooni iyo falgalinta
awoodeeda gobaleed..Ilaalinta awoodda ay gobolka ku
dhex leeday iyo is-hortaagga Iran iyo hankeeda ayaa udub dhaxaad u ahaanaya
siyaasadda dibadda. hawl galka Sucuudigu March ka
bilaabay Yemen oo ay hormuud ka yihiin labada amiir ee hadda safka
dhaxaltooyada isaga danbeeya, ayaa marxalladan cusub lagu daah furay.
Is
beddelka ku imanaya hoggaanka dalka isna wuxu ka cadyay in
markii koowad, 62 sano kadib dhimashadii aasaasihi dawlada sucuudiga, in ay
suurto gal tahay inamadiisii cid aan ahayn xukunka qabato. Boqor salmaan ayaa
sidaas ku noqonaya boqorka ugu danbeeya ee ina Cabdicasiis ah oo dalka ka
taliya, isago so afjaraya lix nin oo walaalo ah oo dalka taladiisa u kala
danbeeyay. Go’aannadan aya iyagu tobanaan
sano ay saamayntoodu la joogayaan. Labada amiir ayaa da’doodu yartay ( 30, 55
sano), albaabka dhaxaltooyada kursiga muddo dheer sidaas ku xidhnaanaya.
Tallaabadan ayaa xal u
noqonaysa mushkilada boqoradda gaboobayay ee xaaladdooda caafimaad liidato.
Laba dhaxaltooyo suge ayaa dhintay intaanu Salmaan bin Cabdicasiis xukunka
dhaxllin. Boqorku isagu waa 79 jir iminka, warar badan ayaa sheegaya in uu
ALZEHEIMER qabo. Shantii boqor ee kadanbeeyay aasaasaha
aya celcelis ahaan mid kastaa wuxuu talinaayay 12.5
sano. Marka la eego yaraanta da’da labada amiir
(celcelis 45) ayaa tobanaanka sano ee soo socda dalka hoggankiisa in ay haynayaan loo badaniyaa.
Tallaabadan
ayaa ilaa xad ay suurto galiyay –gaar ahaan magacaabida inanka boqorka- taageerada uu boqorku ka helay hawl galka Yemen uu ka bilaabay.
Taageeradan ayaa waax ka tilmaami karaysa diyar garawga carabtu u hayaan soo
dhaweeyaan maamulada kaligood taliska intay danaha dalka, ka difaacidda cadawga
dibadda , ay u heellan yihiin.
Haddaba intaan aynaan u
xamaasadoon isbeddelada uu boqorku
sameeyay waxa mudan in la darso waxay u sidaan marka hore shacabka
sucuudiga, kadibna shucuubta carabta ee kacdoonka ku jirta.
Is-beddellada iyo Shacabka Sucuudiga:
Dhanka shacabka sucuudiga haddayn eegn, nasiib darro go’aannadan saamaynaya noloshooda tobanaanka sanee soo
socda waxa
la go’aamiyay iyadoon qof kaliyata lagala tashan 30 milyan ee shacabka
dalkaas. Inta qasri ballaadhan ay ku shireen dhawr nin ayaa loo go’aamiyay cidda hadda u
talinaysa iyo cidda marku dhinto ka danbaynaysa iyo kaa cidda kasii danbayn
doonta! 197 maalmood gudahood ayaa laga codsaday shacabka sucuudiga in ay la
baayactamaan raga dhaxlaaya taladooda sida hantida lookala dhaxlo.
Daahfurnaan
la’aanta ayaa sii fool xumaynasa arrinta dhaxaltooyada; Maxamed bin Salmaan
da’diisa xataa warbaahintu ma garanayso. In uu
soddomeeyada ku jiro ayuun baa laga war hayaa. Waa intay soomaalidu Axmed cabdi
godane, hogaamiyihii hore Al-Shabb, ka
taqaanay oo lagu daray sawirradiisa oo dhawrkii
bilood ee u danbeeyay aad loo arkaayay!
Xaaladda
xuquuqul aadamaha ayaan wax badan iyana iska beddelayn. Maxamed bin Naa’if oo
intaanu 2012 wasiirka arrimaha gudaha noqon aabihi 13 kii sano ee ka horeeyay
kala shaqaynayay isla wasaaradaas, ayaa sumcaddiisu aad u
liidataa. 30 kun oo maxbuus siyaasi ayaa ku xidhan
jeelasha wasaaraddiisu ay maamusho. Ololaha cabudhinta islaamiyinta ee 11 September kadib ayaa amiirku uu hormuud ka ahaa. waa siduu ku muutaystay in
Tiifiiga MSNBC ee
maraykanku
ay ku magacawdo Generalka la dagaalanka argagixisada.
Marka laga yimaado
shakhsiyadda masuuliyiinta, siyaasadda boqortoyada ee xuquuqul aadamaha ayan
wax iska beddelin ilaa hadda. Xorriyat
qawlka ayaa qaamuuska boqortooyada ku jirin.Furashada Axsaabta siyaasiga ayaa
ah danbi jeel lagu muutaysto . Ilaa haddana waxaa xidhan dhalin yar sanadkii
hore dhammadkiisi fiidyawyo youtube ka soo galiyay ay kaga cabanayaan xaaladda
maciishada ee dalka. Wax isna kamid ah kumaaanka boojane damiir ee jeelasha
boqortooyada ku xidhan C.Casiis AL-Wahiiibi, aasaasaha xisbiga umadda ee
islaamiga (Xisb AL-ummah al-islaami). Iyo dabcan dumarka dalku ilaa hadda
gaadhi inay kaxaystaan waa ka mamnuuc.
Shacabka sucuudiga waxa la
gudnoon inay soo dhaweeyaan inta wanaag ah ee uu sido is beddelkan: ilaalinta
danaha qaranka ee gobolka. Waxa kale la gudboon in ay xuquuqdooda maqan sida ku
habboon ku doontan. Daahfurnaan (transparency)
siyaasadeed iyo dhaqaale, ka qayb- qaadasho
buuxda maamulka dalka, iyo
caddaalad ay raadiyaan.
Is-bedellada iyo Kacdoon wadayaasha Carabta:
Maaha shacabka sucuudiga oo
kaliyata cidda muujisay soo dhaweyn iyo hididiilo in is beddeladan wax sidaan.
Kacdoon wadayaasha carabta oo si xun ay u saamaysay mawqifka boqorki hore ee
sucuudigu ayaa hididiilo wayn ka muujiyay in salmaan iyo kooxdiisa ay u dhaami
doonaan. Hawlgalka Yemen uu kabilaabayna cirka ayu kusii shareeray rajadaas.
Lama dafiri karo in is beddel
yimi, waayo wuu yimi. In aanu ahayn kii loo baahnaa kama dhigna in faraha laga
laabto oo dadbanan lagu qaabilo. Dhinac kale ma habboona in lagu qurxiyo wajiga
nidaamka cabudhiska ee sucuudiga kalihyaata
in uu Iran hor istaagay maalin kaliyaata, kadib marku toban sano ku
daawanayay Shacabka Sunniga . shucuubta carabta aya la yidhaahda waxay
leeyihiin xasuusta kalluunka dahabiga (
dhawrkii il-bidhiqsiba ismasaxdaa
xassuustiiso) ee ha isku daydo hadday xasuusan kari waydo inay dib u
aqrido taariikhda shantii sanee u danbeysay. Sucuudiga isagaa qaabilay Bin Cali
markii uu Tunis kasoo baxsaday, Cali Saalax isagaa hubiyay in aan cid la
xisaabtamin 33 sane umadda ka dhacay, kacdoonka Yemen na afuubay oo u badalay
ismarin waa siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweyanaha iyo axsaabta mucaaridka,
meesha kasaaray dhalinyartii kacdoonka. C.fataax Siisi iyo jeneraalada masar
bilyaniska cidda ku caawisaan waa boqortooyada.
Laakiin is beddel ayaa ku
yimi hoggaanka dalka intaanad odhan, in aad maskaxda ku hayso cidda aad la
tacaamulaysaa ku dhibi mayso marnaba. Sucuudigu waa nidaam talo maroorsi,
cabudhis, iyo musuq maasuq ku dhisan, joogitaankiisa u arka in uu ku xidhanyay sidaas ayuu weligii ahaa, ahaanayaana haddan
dadkiisu bedellin.
Halgamayaasha xorriyadda ee
carabtu waa inay ka faa’idaystaan
awoodda siyaasadeed iyo milatari ee uu keeni karo garab istaaga dawlad
awood goboleed ah sida sucuudiga. Waa inay ugu awoodaystaan Iran iyo
xulafadeeda ee kasoo horjeeda kacdoonka
xorriyad doonka guga carbeed. Taas kama dhigna inay ka tanaasulaan mawqifkooda
iyo xukunkooda akhlaaqiga ah : in sucuudigu yahay nidaam talo-maroorsi ah oo ku
dhisan ku tumashada xuquuqul insaanka, lamid ahna kaligood taliyaasha ay iyagu
kasoo horjeedan. Waa in ay ka digtoonaadan in sucuudigu u isticmaalo in uu
dajiyo dadkiisa isaga ku kacsan, isagoo iska dhigaya taageeraha xorriyada.
Hadduu yahay sidaas shacabkiisa ayuu siin lahaa xaqqooda. Ta ugu muhiimsan waa
in ay ka digtoonaadan in dagaalkooda uu sucuudigu lacagtiisa iyo fatwadiisa
diiniga ah ugu badalo dagaal sunni iyo shiico, si uu iran ula dagalamo.
Shiicada iyo Iran dhanka kacdoonga guga carabta ayay maanta taaganyiin laakin
iska caabintoodu kama dhigna in shiico ahaan loola dagaalamayo. Sucuudiga dan
ayaa ugu jirta in dagaalka iska badalo dagaal dulmanayaal iyo daalimiin.
Fursaddas waa in aan la siin.
No comments