Hoggaanka Abaahinta.. Tusaalaha Maxamuud Xaashi
Ilaa Giriigii dura iyo
ilbaxnimooyinkii hore ee dunida dacalladeeda kale, weydiimaha uu aadanuhu
jawaabo u raadinayay waxaa kamid ah dabeecadda hoggaanka ama xukunka. Waa maxay
hoggaanku? Maxaa lagu muutaystaa? Hoggaanka fiicani waa maxay?
Cimlaaqii falsafadda
Giriigga, Plato, waxa uu ku micneeyay fan gaar ah oo lamid ah dhakhtarnimada
iyo adhi-raaca, kaas oo ka shaqeeya danta cidda la hoggaaminayo ama loo
talinayo, shaqo iyo ujeeddo kalena aan
lahayn. Arrintan waxa uu Plato uga
qiyaas qaatay fananka kale ee sida dhakhtarnimada oo uu ku dooday in aanay
lahayn ujeeddo kale marka laga yimaaddo daaweynta cudurka.
Nebi Maxamed NNKH isna waxa
uu xukunka ku tusaaleeyay xoolo cid kale leedahay oo qof raacayo oo hadhoow lagala
xisaabtamayo. “Dhammaantiin waxaad tihiin [xoolo] raace, mid kasta oo idin
kamid ahna waxaa la weydiinayaa waxa la raaciyay,” ayuu yidhi Nebi Maxamed. Si kale haddii loo dhigo amaano qof loo
dhiibay oo xisaabteedu danbayso ayuu nabi Maxamed ku macneeyay xukunka.
Kuwaas waxay kamid yihiin
aragtiyaha xukunka ka eegaya dhan akhlaaqi ah oo wadaaga inay u danaynayaan cidda
la xukumayo . Haddaba waxaa jira aragtiyo ku saabsan hoggaanka ama xukunka oo
kuwaas ka duwan, oo ka soo jeeda waahyadii dhalanrogadku (evolution) hagayay
falalka aadanaha oo dhan. Waa ka hor intii aanu garaadku aadanaha ka soocin
xayawaanka kale. Aragtiyahan waxaa kamid
ah in xukunku yahay astaan sarrayn oo xuquuqda lagu helo ay kamid tahay
kootaysiga xaqqa galmada. Waa aragti qallafsan, kakan oo aanu qaadan karaynin
caqliga aadanaha nool casrigan. Sidaas ayaan qabay laftarkaygu kahor intaanan
si cad uga dhadhansan waraysi uu bixiyay siyaasi weyn oo u guclaynaya qabashada
talada Somaliland.
Wax kasta oo nolosha kamid
ahi wuxuu ku saabsan yahay galmada, marka laga reebo galmada oo ku saabsan
awood. Waa weedh caan ah oo uu ku soo halqabsaday siyaasiyiinta mala’awaalka ah ka
ugu caansan wakhtigan – Madaxweyne Frank Underwood-ka musalsalka House of
Cards.
Si kasta oo u majixanjixe u
yahay Frank Underwood, haddana waxa uu ka gaabsaday in uu daaha kawada qaado
aragtidan gabowday ee isku xidhaysa awoodda/hoggaanka siyaasadeed iyo galmada.
Balse Maxamuud Xaashi, wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, isagu badka
ayuu keenay xidhiidhkaas, aragtidanna si khajilaadi ka madhan tahay ayuu daaha
uga qaaday.
Dhawaan mar la weydiiyay farqiga
u dhaxeeya hoggaanka madaxweyne Muuse iyo kii madaxweynihii ka horreeyay, jawaabtiisa
waxa uu ku soo koobay in baarqabyadu si kala duwan qaalmaha u abaahiyaan.
Maxamuud Xaashi waxa uu si badheedh hoggaankii umadda
ula simay qancinta
doonista jinsiga ah. Markuu adeegsaday hummaagan jinisga ah, Maxamuud
xaashi waxa uu tilmaamayaa xidhiidhka soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya awoodda iyo jinsiga, isaga oo inagu celinayaa nooc hoggaamineed oo aadanuhu kumanaan sano kahor kasoo gudbay.
Noocan hogaamineed waa ka ka jira qaybo badan oo kamid ah boqortooyada xayawaanka
duurjoogta ah iyo qaar kamid ah xoolaha aynu dhaqanno.
Hoggaanka noocan ah, oo aynu ugu
yeedhayno hoggaanka abaahinta, waa nidaamka uu baarqabku hoggaamiyo xaynta, astaantiisuna
waa kootaysashada labnimada. In kasta oo xaymaha xayawaanka, oo iska kooban
inta badan, ay dhacdo in galmadu u xidhantahay labka ugu weyn (baarqabka), balse
bulshooyinka aadanaha ee ballaadhan taasi suurtogal kama ah. Ugu yaraan
qaabkaas qaawaan ee la kootaysanayo labnimada iyo galmada oo dhan. Taas bedelkeeda waxaa dhacda in galmada loo rogo
astaan iyo sumad (symbolic), inteeda ugu badanna loo nisbeeyo hoggaamiyaha,
amaba si kale haddii loo dhigo in hoggaamiyaha laga dhigo sumadda labnimada.
Tusaale ahaan, dalalka
talomaroorisiga xagjirka ahi ka jiro, sida Kuuriyada Waqooyi oo kale,
hoggaamiyaha dalka waxaa loo sawiraa in uu yahay labka ay wada haweysanayaan
dhammaan haweenka dalku. Waxaa la faafiyaa sawiro ay hogaamiyaha ku xoonsan
yihiin dumar tiro badan oo ku dhegdhegaya ama farxad awgeed ka ag ooyaya.
Mucamar Al-qaddaafi ayaa isna caan ku ahaa dhaqanka noocaas ah. Waxaa had iyo jeer ku hareersanaan jiray gabdho
da’ yar oo qurux badan, isaga oo u talinayay dal carbeed oo dumarku dhaqan
ahaan guryahooda joogaan. Muuqaalka adadayga raganimo ee xad-dhaafka ah ee
Putin ku dedaalo in laga qaato isna waa tusaale kale.
Maxamuud Xaashi aragtidan
waxa uu ku muujinayaa sida uu uga hadlayo laba xidhiidh oo hoggaamiyuhu samaynayo.
Midi waxay ka dhaxaysaa hoggaamiyiha oo isaga u la mid ah baarqabka iyo lababka
ka hooseeya ee naawilaya in ay maalin uun bedelaan. Ka kalena waxa uu ka
dhaxeeyaa hoggaamiyaha iyo dadka loo talinayo.
Tan danbe ayuu Maxamuud
Xaashi hadal cad oo aan aan looga baran siyaasiyiinta kaga warramayaa. Waxa uu
kusoo koobayaa xidhiidhka baarqabka iyo hasha. Si kale haddii loo dhigo waa
xidhiidh danaysi oo hoggaamiyuhu doonitaanadiisa kuwa sare iyo kuwo liitaba ku gaadhayo
loo taliyahay, iyada oo aan cidina wax ka weydiin karin. Waa sababta uu isaga,
oo aan maalin keli ah qaban shaqo siyaasad ka baxsan, uu u sheegi kari waayay asalka
hantidiisa, uuna ugu meeraystay weji iyo asxaab ayaan leeyahay.
Danaysigaas waxaa garab socda dareen xaq u
lahaansho iyo isa-siin (entitlement), kaas oo qofku u arko in uu xaq u leeyahay
u talinta dadka. Isla waraysigaas ayuu Maxamuud Xaashi ku muujinayaa arrinkan. Mar
la weydiiyay in uu doonayo in uu noqdo madaxweyne, Maxamuud Xaashi inta uu neef
weyn qaatay, ayuu jeediyay muxaadiro ku saabsan jidka uu u soo maray
siyaasadda. Waxaana uu ku soo gebogabeeyay in kursiga dala ugu sarreeya oo keli
ahi u dhiman yahay!
Mar keli ah kama uu hadal wax
dalka ka khaldan oo uu doonayo in uu saxo; wax ka qabyo ah oo uu damacsan yahay
in uu dhammeeyo; amaba khatar dalka ku soo socota oo uu jecel yahay in uu ka badbaadiyo.
Jawaabtiisu bilow ilaa dhammaad waa: aniga, aniga, aniga, haddana aniga, waar
markaygi.
Caddaaladdu wey wanaagsan
tahay, ee isaga oo keli ah isa-siintani kuma koobna. Siyaasiyiinta Somaliland intooda badani waa ay leeyihiin cuqdaddan isa siinta. Waxaad maqlaysaa
‘hankayga siyaasadda’, ‘mustaqbalkayga siyaasadeed ayaan idiinka warramayaa
maanta’, ‘dantayda ayaan ka dhex arkay’. Iyo ereyo badan oo jinboqrid miidhan
ah oo siyaasiyiinta Somaliland ku hadlayaan. Waxay dhammaan ka siman yihiin
fikradda Hoggaanka Abaahinta ee ku salaysan Iahaanshiyaha iyo dareenka
Isa-siinta talada umadda.
Astaanta kale ee hoggaanka
abaahintu waa xidhiidhka ka dhaxeeya hoggaamiyaha iyo dadka doonaya inay maalin
uun bedelaan. Si kale haddii aynu u dhigno waa xidhiidhka baarqabka iyo lababka
doonaya inay kaalintiisa buuxiyaan markuu tago. Maxamuud Xaashi si fiican ayuu
wareysigiisa ugu caddeeyahay xeerka koowaad ee xidhiidhkan: waa inaan baarqabka
lagula tartamin qaalmihiisa.
Waxa uu sheegay Maxamuud
Xaashi in uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Isla waraysiga
haddana waxa uu in badan ka warwareegay in uu shaaciyo in uu la tartamayo
madaxweyne Biixi oo hadda ah Guddoomiyaha xisbiga. Weriyuhu markii uu su’aasha
kala hadhi waayayna waxa uu sheegay inaan madaxweynayaasha la la tartamin!
Run ahaantii, fikraddani iyana
kuma koobna Maxamuud Xaashi. Waxaa si tan kasii fool xun hore looga qoray
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo damac ka galay hoggaanka xisbiga Kulmiye. Ereyga
caanka noqday ee Samaale laga hayo ‘haakah marka uu yidhaahdo’ ayuu ku suntan
yahay xidhiidhka ka dhaxeeya baarqabka iyo laboodiyada yaryar ee nidaamkani.
Lababkaasi xidhiidhkan sidaas darteed waa ‘Haakah Sugayaal’ dhowranaya
doorkooda.
In
kasta oo Maxamuud Xaashi sida ugu faahfaahsan ilaa hadda u tusaaleyay
Hoggaanka Abaahinta, nasiib darro isaga oo keli ah kuma koobna. Waxaa siyaabo
kala duwan looga dhadhansan karaa dabaqadda siyaasiga ah ee Somaliland, gaar
ahaan xisbiga Kulmiye. Siyaasaddii ahayd adeegga bulsho waxaa muuqata in loo
rogay danaysi, isa-siin, iyo dareen xaq lahaansho. Hoggaankii Plato fanka u
arkayay, Nebi Maxamed amaanada ku tilmaamay, Locke na ku sheegay heshiiska
bulsho, waxaa dib loo celiyay heer
bahalnimo oo ay galmadu astaan iyo summad u tahay. Caddaynna, dabcan, uma
baahna inaanay bahalnimadani inna anfacaynin.
No comments