Header Ads

Madaxweynaha Faransiiska oo Safar Muhiim ah ku Maraya Bariga Afrika

Madaxweynaha Faransiiska Imaanuweel Maakroon ayaa booqasho dawladeed laba maalmood qaadanaysa salaasada maarso ku soo gaadhay dalka  Itoobiya. Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadiisa ka bilaabay magaalada taariikhiga ah ee laalibeela ee ku caanka ah kaniisadaheeda la dhisay qarnigii saddex iyo tobnaad oo dhagax laga qoray. Abiy Axmed ayaa dhiggiisa faransiiska kaga hortagay gegida diyaaradaha oo ku soo dhaweeyay magaalada taariikhiga ah.  Ra’isal wasaare Abiy Axmed waxa uu, codsaday madaxweynaha Faransiiska inuu ka taageero dhowrista goobaha taariikhiga ah ee magaaladan oo uu hore ugu ballanqaaday.
Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa goobjoog ka ahaa munaasibadda saxeexitaanka heshiiyo la xidhiidha difaaca iyo iskaashiga dhaqaale oo lagu qabtay xafiiska ra’uusl wasaaraha salaasda Maarso 2019. Itoobiya ayaa dhankeeda waxaa heshiisyadan u saxeexay wasiirka difaaca Caa’isha Maxamed iyo Wasiirka dhaqaalaha, Axmed Shide. Sidoo kale, Makroon waxa uu Magaalo madaxda Itoobiya ku booqan doonaa Xarunta Midowga Afrika, halkaas oo uu kala hadli doono horumarka raandhiiska ah.
booqashada Itoobiya ayaa kamid ah safar Madaxweynaha Faransiisku ku marayo dalalka Bariga Afrika oo qaadanaysa afar maalmood. Dalka Jabbuuti oo xornimada ka qaatay Faransiika 1977kii ayuu socdaalkan Madaxweyne Makroon ka bilaaby, halkaas oo uu soo gaadhay habeennimadii Isniinta ee kow iyo tobanka Maarso. Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil cumar Geelle ayaa dhigiisa kusoo dhaweeyay halkaas, ugana mahadnaqay sida uu Faransiisku Jabbuuti uga taageeray murankii soohdinta ee u dhaxeeya Ereteriya.
Booqashada madaxweyne Makroon ayaa dhinacyo badan marka laga eego ah mid taariikhi ah. Jabuuti oo xidhiidh dhoow ay leeyihiin Faransiiska ayaanu madaxweyne faransiis ahi imanin muddo ku dhow toban sannadood.  
Booqashada tan ugu xigta oo Maakrtoon ku tagaayo Kenya ayaa iyaduna taariikhi ah, iyadoo Imaanuweel Maakroon uu noqonaayo  madaxweynihii koowaad ee faransiis ah ee booqda Kenya ilaa intii ay xornimada qaadatay 1963kii.
Caasimadda Kenya ee Nayroobi ayaa Makroon kaga qaybgeli doonaa Shirweynah Qaramada Midoobay ee Deegaanka. Munaasibaddan oo ay isugu imanayaan in ka badan 4,700 oo qof oo isugu jira madax dawlado, ganacsato, hoggaannad ururro bulsho ayaa lagu falanqayn doonaa fikradaha  halabuur leh ee wax katari karawax soosaarka iyo adeegsiga khayraadka ee raandhiiska ah. Arrimaha deegaanka marka laga yimaaddo, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata iyo dhiggiisa Faransiiska, Imanuel Makroon waxaa la filayaa inay kawada hadlaaan arrimo dhawr ah ay kamid yihiin maalgelinta ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Soomaaliya, la dagaalanka al-Shabaab iyo mashaariic horumarineed. Safarkan madaxweynaha faransiiska ee gobolka ayaa ujeeddadiisu tahay inuu sii xoojjiyo oo dardar geliyo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee faransiiksa iyo gobolka bariga Afrika oo awoodaha caalamku muddooyinkan dambe ay indhaha aad ugu hayaan.


No comments

Powered by Blogger.