Dib-u-Habaynta Waddani iyo Xuquuqul Insaanka
Xisbiga Waddani dhawaanahan waxaa ka socda isbedello waaweyn oo hab u socodkii xisbiga iyo dhabbihiisa weji kale u yeelaya. Waxa kamid ah dib u habaynta maamul ee maalmihii u danbaysay galaafatay xoghayihii hore ee xisbiga. Khudbaddii shalay ee Guddoomiyaha xisbiga ayaa iyana marxaladdan cusub tusaale u ah.
Xiiso gaar ah waxaa aniga ii sameeyay khudbaddii
guddoomiyaha xisbiga ee shalay, gaar
ahaan tartiibta qaddiyadaha uu ka hadlay. Cabdiraxmaan Cirro sida la filan
karayay kuma uu bilaabin mawduuca maanta ee la xidhiidha khiyaanada uu ku
eedaynay xisbiga Kulmiye. May, waxa uu ku furfurtay isaga oo ku nuuxnuuxsanaya
xorriyadda fikirka iyo cadaadiska Kulmiye ku hayo xuquuqda aasaasiga ah ee
insaanka. Si aan looga baran ayuu Cirro midhmidh u soo qaatay gaboodfallada xukuumadda
Kulmiye iyo denbiyada ay ka gelayso muwaadiniinta Soomaalilaan.
Waxa uu ka digay cabudhin soo muuqata isaga
oo tusaale u soo qaatay bilawgii xukunkii nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.
Mawqifka xisbiga ee arrintan xuquuqul
insaanka waxaa uu mar kale ku caddaa shirka jaraa’id ee 18 bisha uu qabtay
guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigu oo uu kaga hadlay xukunka lagu riday
Niciima Abwaan Qorane iyo Maxamed Cabdi Keyse.
Arrintani waxa ay xiiso u leedahay dhawr
arrimoodba; in madaxda ugu sarraysa ee xisbigu ka hadasho marar kala duwan, iyo
ay ku dhiiradaan difaacista dad taageeradooda eedo uga iman karaan. Waddani
waxa madaxdiisi ugu sarraysaa ay canbaaraysay xadhiga Niciima Abwaan Qorane oo
ku caan ah taageerada midnimada Soomaaliya, iyada oo Kulmiye mar kasta ku
eedeeyo Waddani in uu janjeedho Soomaaliweyn. Marka laga yimaaddo in
Waddani diir adag u yeeshay dacaayadaha
Kulmiye, waxa ay arrintani muujinaysaa u heellanaanta xisbiga ee qaddiyadda
xorriyatul qawlka iyo mawqif akhlaaqi ah oo aan danaha siyaasdeed ee degdegga
ah ka duulayn.
Isbeddelkan ku soo kordhay xisbiga Waddani
dheefo badan ayuu u yeelanaya xisbiga, shacabka iyo dhaqanka siyaasadeed ee
dalkaba. Bogaadin iyo ammaan ayuu ku muutaystay iyo in lagu dhiirigeliyo
horusocod.
Xisbiga waxa ay u tahay fursad uu ku dhisto
hayb ka soocda xisbiyada kale. Habka ugu fudud ee hayb lagu yeesho oo ah lidka
“X, cid kale” ayaa xisbiga Waddani, xattaa haddii aanu aragti siyaasadeed oo
fog ka lahayn, ku noqon karaa gaashaanka xorriyatul fikirka iyo halyeyga
xuquuql insaanka. Waxaa taas saamaxday Kulmiye oo doortay in uu noqdo xisbi
faashi ah oo hoggaaminaya dawlad cabudhis iyo jujuub iyo UCID oo aan danba ka
lahayn. Haybtan cusubi waxa ay xisbiga u horseedisi kartaa hanashada taageeraal
cusub iyo sii-haysashada taageerayaashiisi.
Si taasi u hirgasho, waxaa lagama maarmaan
ah in Lidka Kulmiye laga gudbo oo qaddiyada xorriyaadku tiir aasaasi ah ka
noqotaa dhismaha fakir ee xisbiga. Waa in ay dhab ugu duxdaa garaad-wadareedka
hoggaanka xisbiga iyo taageerayaashiisa,
si joogta ahna loogu celceliyaa ilaa ay sumad u noqonayso xisbiga. Waddani waxa
uu fursad u haystaa in uu calanka u sido qaddiyadda gobanimada iyo karaamada
muwaadiniinta reer Soomaalilaan, taas oo uu kaga duwanaanayo Kulmiye oo
maalinba ta ka danbaysa usii eekaanaya xisbi faashist ah. Ha
hadho xisbiyadii ay yarayd waxa ay ku kala duwanyihiin.
Shacabka reer Soomaalilaan ayaa iyaguna ka
faa’idaya cod difaac adag u noqda xuquuqdooda Kulmiye weerarka ku yahay. Tani
waxa ay xakame u noqonaysaa dawladda Kulmiye iyo cabudhinta horta leh ee ay
damacsantahay. Mucaarad adag waa sida ugu hawsha yar ee lagaga hortagi karo
hanaqaadka nidaam faashi ah.
Saaxadda siyaasadda ee dalka ayaa iyana ka faa’idaysa hirdan afkaar in ay
ka aloosanto. Difaaca Niciima Qorane iyo Axmed Cabdi Kayse, waxa uu durtaba
furayaa doodda ah xuduudda xorriyadda hadalka. Halkee ayaa ay ka bilaabantaa
xorriyadda shakhsigu, halkee se ku dhamaataa? Tusaale ahaan, Waddani marka uu
ka soo horjeestay xukunka Niciima Qorane waxa uu qirayaa in aanay denbi ahayn
in qofku cabbiro fikirkiisa haba kasoo horjeedo qaranimada Soomaalilaan e.
Kulmiye ayaa dhanka kale u muuqda in uu taaganyahay mawqifka faashiga ah ee
waddaniyadda iyo fikir-wadareedka ka hormarinaya xorriyadda shakhsiga.
Guntii, doorka mucaaridnimo ee Waddani iyo dib u habayntiisa aad ayaa loo
sugayay, haatan oo Kulmiye ay ka tan badatay guushii Noofeembar wakhtigeedi
ayaa ay kusoo beegantay. Waxa bogaadin mudan in mucaaradnimada xisbigu ay xoogga saarayo baahida ugu weyn ee dalka oo ah dhawrista xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka ee xorriyaddu ugu horrayso.
No comments