Header Ads

Go'doon ayay Soomaalilaan ku jirtaa iyo Marxalad kala Guur ah

Ayaamuhu kala boqran, kala milgo wayn.   Bisha Meey 18 keedu Somaliland uga soocan maalmaha kale. Maalin dhalasho weeyaan. Maalin dib u jalleecid waayihii la soo maray weeyaan. Waa maalin dib aynu u xasuusanno qiyamkii iyo waxa ay Soomaalilaan u jirto.


Dhanka kale waa maalin islaxisaabtan. Geedigeenu intee ayuu hore u socday?. Waa maalin ay tahay in aynu iswaydiinno hayaankeenu dhanka uu u socdo iyo masaafada uu jarayo.


Waayuhu si isku mid ah  kuguma soo wada maro’e, Sannadkan waxay May kusoo beegantay ayaamo adag, wakhti qallafsan, oo hididiiladu sii shiiqayso, dawladnimadeeni wiiqantay, cadawgeenu dhiiraday, munaafaqiina madaxa sare u la soo kacay.

Aalaase Soomaalilaan dhibteedu waxay salka ku haysaa xidhiidhkii adduunweynaha ay la lahayd oo soo afjarmaya.  Marka laga yimaaddo go’doonkan diblomaasiyaadeed ee ka dhashay siyaasad xumida iyo aragtida habacsan ee xukuumadda talada haysa, waxaa jira dhagar diblomaasiyadeed oo ay dawladda Muqdisho u maleegayso Soomaalilaan. Tan iyo markii la doortay Farmaajo bishii Feebarwari, safar dibadeed kasta oo u baxay waxaa ka go’nayd inuu ka helo dawladda martiqaadday qirista midnimada ciidda Soomaaliya iyo qarannimadeeda. Dabcan waxa uu u gol leeyahay dafiritaanka xaqqa Soomaalilaan u leedahay jiritaankeeda iyo madaxbanaanida.


Dhacdooyinka isdaba joogga ah waxaa ugu walaac badnaa shirkii jaraa’id ee ay Madaxweeyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dasilgan ay dhawaan wadajirka ugu qabteen Adis Ababa. Shirkan ayaa Dasilgan ku caddeeyay in aanay maamuladda Gobollada Soomaaliya la shirin iyaga oo aan ogolaansho ka helin dawlada federaalka, kadib markuu ku nuux-nuuxsaday midnimada Soomaaliya. Run ahaantii in mid kamid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaalilaan luqadaas aan gabbashada lahayn ku dafirto jiritaanka Soomaalilaan waa arrin welwel dhalinaysa. Waxa ay  isweydiin gelinaysaa wax ku oolnimada dhammaan dedaalladii diblomaasiyadeed ee Soomaalilaan lix iyo labaatan ka sano ay wadday.


War murtiyeedkii shirkii Landhan usbuucii hore ayaa isna tusaale kale u ah go’doonkan diblomaasiyadeed ee dalku sii galaayo. Waxaa si madmadaw ka madhan Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, iyo laba iyo afartankii dawladood ee shirka kasoo qaybgalay u qaateen in xalka Soomaaliya Muqdisho laga doono. Waxay caddeeyeen inay taageersanyihiin midnimada dhuleed iyo qarannimo ee Soomaaliya, taas oo lafjab dhab ah ku noqonaysa hiigsiga reer Soomaalilaan. Soomaalilaan duruufteeda iyo dooddeeda gaarka ah waxaa lagaga soo daray keliya in ay Soomaaliya wadahadal dib ula furto!


Werwerka Soomaalilaan soo waajahay kuma koobna intaas oo keliya.  Xukuumadda Farmaajo waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuulaysaa, tamar iyo xeelad inta ay leedahay isugu gaynaysaa in laga qaado cunaqabataynta soo dejinta hubka ka saaraan. War murtiyeedka shirka Landhan ayaa lagu xusay in Soomaaliya Golaha Ammaanka ee QM kala xidhiidho sidii loo laali lahaa cunaqabtayntaas. Waxaa xusid mudan doorka lamahuraanka ahaa ee xayiraaddan hubka ee saaran Soomaaliya ka qaadatay xasilintii iyo nabadayntii Somaliland.  Cunaqabataynta hubka oo laqaadaa in ay  khatar gelinayso jiritaanka Sooomaaliland waa mid marag ma doonto.


Madaxwayne Siilaanyo haddii uu ogsoonyahay shirqoolkan, umadda reer Soomaalilaan kuma uu wargelin. Cajalad daashay oo odhanaysa waa aynu guulaysanay ayuu dib u siraaday khudbaddiisi 18 ka May. “ Waxaa dhab ah in qaybo  badan oo adduunwaynaha kamid ahi  ay inoola macaamilaan sidii dal madaxbannaan.” ayuu muwaadiniinta ku maaweeliyay madaxweynuhu. “ Somaliland, nin neceb iyo nin jecelba, waa cadceed soo baxday oo aan cidina sacab ku qarin karaynin,” ayuu raaciyay.


Madaxweynuhu taas cagsigeeda waxa uu cod jilicsan oo taag daran ugu jeediyay bulshada caalamka wax uu ugu yeedhay garnaqsi uu ku muujinayo caddaaladnimada qaddiyada Soomaalilaan. “ Ma geyno in nalagu gefo, in nalagu gabbood falo, in naloo garbaduubo raggii aanu  kala guurnay, geeli isugu kaaya jirayna aanu kala soocanay.” ayuu ugu baaqay dunida. Tamar darrada khudbadda madaxweeynaha iyo weedhihiisa meesha madhan ku dhacaya ayaad mooddaa inay si dhab ah uga turjumayaan kelinnimada qallafsan ee Soomaalilaan soo foodsaartay.


Si kasta ha ahaatee, ma aha markii koowaad ee Soomaalilaan ay soo waajahdo duruuftan oo kale. Sannadkii 1988 kii markii halgankii dib u xorayntu marayay halkii ugu adkaa, ayaa Itoobiya, oo ahayd cidda ugu weyn ee taageerta SNM, ay heshiis nabadayn ah la saxeexday Maxamed Siyaad Barre. Halgankii reer Soomaalilaan ayaa qarka u saarmay in laba kaligii taliye ay xaal isu siiyaan.


Waa caado siyaasadda dunida ka jirta in dawladuhu danaha qarankooda u loogaan xulafadood iyo cid kasta oo looga maarmi waayo.


Halyeeyadii SNM ee maalintaas uma ay cuntamin in Soomaalilaan noqoto wan loo loogo danaha nidaamkii Itoobiya iyo cid kale toona. Go'aan geesinimo oo mahadhadu mahadisay aya ay ku qaateen in aany cidna uga idan qaadan xoraynta dalkooda. Waxay soo galeen dalkooda iyaga oo Deelalaydii Hadraawi ay hal-adaygood ka turjumayso:


Markay ciinka daaqdaan
Dabka ugu xiddigiyaa
Nin dumaala baan ahay
Degel fule ka bara kacay
Nin ku diirsadaan ahay
Maalintay u daran tahay


Karti, halabuurnimo waxa ay hayeen ayay isugu geeyeen ka midho dhalinta himilada bulshadooda ee gobanimo, walaaltinimo, iyo caddaalad. Ilaahayna guusha aynu  maanta hadhsanayno ee midhaheedii guranayno ayuu ku abaalmariyay

Soomaalilaan waxay maanta taagantahay bartii dharaartaas oo kale. Dunidu way ka tashatay, iyana waa in ay tashataa. Waxaa laga maarmaan ah in ay qirto sidii maalintaas kala guurnimada marxaladda, iyo saamaynta habka ay ku qaabishaa ay ku yeelanayo jiritaankeeda. Waa in si dhakhso ah dib la isugu noqdo, maskaxda la tuujiyo, loo fakiro si ka geddisan habfakirkii labaatankii sano ee ina dhaafay ee halkan inna dhigay. Intaas oo dhan waa in aynu u samaynaa si  degdeg ah, islamarkaasna si karti leh oo geesinimo ku suntan u hawlgalnaa. Waynu qaddimanay isdhigasho intii la inoo ogolaa.

No comments

Powered by Blogger.