Header Ads

Maxaa Xuska 18 May uga weynyahay ka 26 June


Dad badan ayaa la yaaba in xuska 18 May uu shiikhiyay hadal haynta 26 June inkasta ka danbe yahay malinta xornimada u horraysaySomaliland heshay. Haddana marka sababta la ogaado, layaabku wuu burayaa, sida Carabtu ku maahmaahdo.
Sababta kala gedisanaanta qaabilitanka labada maalmood ayaa isugu soo biyo shubanaysa in kaarkii fooshii 18 May qaranku ku dhashay ay weli ku sii qoyanyahay xasuusta dadweynaha reer Somaliland. Taarikhiyan wey ka dhawdahay 26 June oo ay iska yartahayba inta joogtay habeenkaas ee maanta nool.
Mid kale oo ay ku kala duwanyihiin labada maalmood ayaa ah fikradda laga haysto dadaalka lagu bixiyay iyo dhibaatada loo soo maray labada qarannimo ee la helay labada maalmood.
Gobannimada June 26 keedi la qaatay halgan siddeetan sano socday ayay soo afjartay. Adayga iyo dhibaatada halgankaasna sannado badan ayuu u qaybsanaa. Waa sababta keentay in qofka aan sii baadhin sooyaalkaas ay ula muuqato in calanka qunyar uun la iska helay dharaartaas.
Taas cakisigeeda, 18 May waxa ay soo gabagabaysay dagaal qadhaadh oo saddex sano ku dhawaad gudaha dalka ka socday, iyo jabhadayn toddobadii kasii horraysay. Colaadaas kumanaan ruux ayaa ku naf waayey, halka magaalooyinka waaweyn ee dalkana burbur, ilaa sannado dhaweyd kasii muuqday, uu soo gaadhay.
Dadka ayaa sidoodaba qiimo weyn siiya waxa ay u arkaan in ay wax badan u hureen helitaankiisa, amaba dadaal badan ka galo hanashadiisa.

No comments

Powered by Blogger.