Header Ads

Barnaamijka siyaasadda dhaqaale waddani


Barnaamijka siyaasadda dhaqaalaha  ee xisbiga Waddani ayaa ah mid aad u han weyn marka dhinac walba laga eego. Waxa uu u hanqal taagayaa laban laabidda wax soo-saarka guud (WG) ee dalka sannadka 2030, iyo dhimista shaqo la’aanta 65%.  Dhaqaalaha dalka ayaa si uu laban laabmo 13 ka sano ee 2030 ka horraysa ay tahay in uu kutalaabsado koror xooggan oo  ah 7.7% sannad kasta.

Barnaamijka oo nuqul kamid ah lagu faafiyay barta internetka ee xisbiga ayaa masuuliyiinta xisbigu tilmaameen in aanu weli dhammaystirnayn. Qabyo ahaanshaha ayaan haddana ah mid aan qiimaha qorshaha siyaasadeed hoos u dhigaynin; waxa uu muujinayaa hab fikirka xisbiga iyo hiraalkiisa guud ahaan,waana mid run ahaantii  tilmaan cad   innaga siin kara nooca uu eekaanayo qorshe siyaasadeed ka kama danbaysta ah ee  xisbigu ku geli doono doorashada.

Qoraalka ayaa xisbigu ku faahfaahinayo hannaanka uu  u marayo hirgelinta himiladiisan hanka weeyn. Waxaana  cad  in suuqa xorta ah iyo maalgashiga dibaddu yihiin seeska aragtida dhaqaale ee xisbiga Waddani.

Heerka shaqo la’aanta ayaa Xisbiga Waddani tilmaamayaa in ay ka go’an tahay hoos u dhigisteedu isaga oo abuurayo fursado shaqo oo xooggan. Waxa uu ballan qaadayaa dhimis gaadhaysa 65% marka la eego shaqo la’aanta ka jirta magaalooyinka, iyo 60% midda  miyiga ka jirta. Shaqo abuurkan ballaadhan ayaa qorshaha xisbigu tibaaxayaa in lagu samaynayo horumarinta, kobcinta, iyo dhiirigelinta waxqabadyada dhaqaale ee: xoolaha nool, beeraha, xabkaha, kalluumaysiga, warshadaha, maaliyadda, tamarta, dalxiiska , khayraadka dabiiciga ah, iyo ganacsiga isaga goosha waddamada.

Xoolaha Nool, Kalluumaysiga, Beeraha, iyo Xabkaha:

Siyaasadaha barnaamijku soo jeedinayo si loo kobciyo, horumariyo loona dhiiri geliyo waaxyahan  dhaqaale ayaa isugu biyo shubanaysa: samaynta cilmi baadhisyo, iyo dhisidda kaabayaal dhaqaale, kaalmayn dhaqaale iyo wacyigelin la siiyo qaybaha bulshada ee ka shaqeeya waaxahaas.

Daraasadaha qoraalka lagu sheegay in Waddani samaynayo ayaa ah: cilmi baadhis lagu astaynayo sida dalagyada kala duwan ee beeruhu ugu kala habboon yihiin dhulka Somaliland (SL), mid lagu qimaynayo baaxadda hantida kalluun ee SL, iyo mid lagu qiyaasayo dhaqaalaha laga dhalin karo beeddada iyo xabkaha.

Horumarinta iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaale ee xisbigu ballanqaadayo waxa ugu mudan: samaynta bangiga shinnida iyo suuqyo u gaar ah kalluunka. Barnaamijka ayaa intaas ku daraya dayactirka ama dhisidda waddooyinka isku xidha goobaha wax soo-saar sida dhul beeralayda, iyo suuqyada loo iibgeeyo.

Kaalmaynta dhaqaale ee barnaamijka lagu soo bandhigay ayaa  ah hababka cashuur dhimis ama cashuur dhaaf, iyo maalgelin toos ahba loogu samaynayo bulshada iyo maalgeliyayaasha si loo dhiirigeliyo.

Warshadeyn:

Tartanka alaabta jaban ee la soo dajiyo ayaa Waddani ku tilmaamayaa in ay tahay dhibaatada ugu weeyn ee hor taagan hanaqaadka warshadaha SL. Taas si loo joojiyana waxa uu ballan qaadayaa xakamaynta tartankaas iyo  mudnaan in la siiyo wax soo-saarka dalka marka dawladdu wax iibsanayso, iyo kobcinta waaxda tamarta si warshadeeyntu suurtogal u noqoto.

Barnaajika ayaa ayaa ku baaqaya aasaasidda aagag warshadeed oo qalabaysan, iyo dhul warshadeedyo xor ah. Dhul warshadeedka xorta ah ayaa leh cashuuro hoose ama cashuur dhaafba iyo waliba siyaasado kale oo loogu talo galay soo jiidashada maalgashi dibadeed.

Abuuirtaanka xuddun maaliyadeed iyo marin ganacsi oo caalami ah.

Xisbiga Waddani waxa uu hiigsigiisa ku sheegaya in ay tahay  in SL noqoto xuddin caalami oo bixisa adeegyada maaliyeed ee kala duwan, iyo bar heer caalimi ah oo uu ku kala wareego ganacsiga dalalka isu mara.

Adeegyada bangiyada SL si ay ugu horumari lahayd ayaa xusbigu soo jeedinayaa xoojinta bangiga dhexe ee dalka, ku dhiirigelinta bangiyada caalamka laamo in ay ka furtaan SL, dhammaystirka sharciga baananka ganacsiga iyo aasaasidda bangiga horumarinta SL. Bangigan horumarinta Sl ayaa masuuliyiinta xisbigu ilaa hadda ka gaabsadeen in ay wax xog ah ka bixiyaan sida uu u shaqaynayo, lacagta lagu bilaabayo iyo  mulkiyaddiisu nooca ay tahay.

Himilada in SL noqoto goob xuddun u noqota ganacsiga isa goosha dalalka  caalamka ayaa Waddani kaga dayanayaa waddamada ku caano maalay ganacsiga noocan ah sida Singapore, magaalooyinka Honk Kong iyo Dubai. Si looga dhabeeyo hiigsiganna waxa uu Waddani soo jeedinayaa ka dhigista Berbera deked iyo bar dhaqaale oo xor ah (cashuur dhimis ama dhaaf, si loo dhiiri geliyo isticmaalka dekedda,) iyo dhammaystirka mashruuca Marinka Berbera, iyada oo lagu kordhinayo  khad tareen.

Marinka Berbera oo koobsanaya horumarinta, casriyaynta, iyo ballaadhinta dekedda Berbera iyo dhisidda waddo laami ah oo ku xidha Itoobiya ayaa ku kacaysa qarash gaadhaya $500 milyan. Marka uu dhammaystirmo mashruucani waxa uu SL u saamaxayaa  in ay sii marto 30% badeecadaha Itoobiya  kala soo degto dibadda.  Halka 5% keliya ay iminka sii maraan.

Tamarta, dalxiiska, iyo farsamada xidhiidhka casriga (ICT) ayaa iyana ah waaxo shaqo abuur Waddani  diiradda saarayo balse aan qorshihiisa siyaasadeed si cad loogu tilmaamin marka la barbar dhigo waaxaha kale  ee kor ku xusin.

Faallo:

Barnaamijka dhaqaale ee Waddani uu codka bulshada rabo in uu ku hanto ayaa guud ahaan u muuqda mid tilmaan cad kabixinaya waxa uu xisbigu  rabo in uu qabto iyo jidkii uu u mari lahaaba, labadoodana si waafi ah ayuu u qeexayaa. Waxqabadka uu ballan qaadayo marka laga yimaado, xusidda habka loo xaqiijinayo ayaan laga maarmaynin; runtiina ahba halka dooddu ka furantay. Xisbi kastaaba wuu rabaa in uu shaqo la’aanta yareeyo, laakiin sideebaa ugu fiican oo shaqo lagu abuuraa weeyaan isweydiintu.

Ammaan kale waxa uu qorshaha xisbigu ku muutaysanayaa in uu ballan qaadayo waxqabad la cabbiri karo oo halbeegyo dhaqaale oo la isla waafaqsan yahay salka ku haya, sida saamiga shaqo la’aanta, iyo wax soo-saarka guud (GDP.) Halbeegyadan ayaa mustaqbalka suurto gelinaya in  xisbiga lagula xisaabtamo ka dhabaynta  ballamahaas.

Dhanka kale, iinta qorshaha Waddani ayaa ah in aanu qeexaynin xagga uu ka keenayo maal gashiga ballaadhan ee laf-dhabarka u ah aragtidiisa horumarineed. Marinka Berbera tusaale ahaan, xukuumadda joogta imminka iyo kuwii ka horreeyayba  way ogsoonaayeen baahida loo qabo iyo dheefta laga helaayo. Haddaba su’aasha ay tahay in Waddani kajawaabo ayaa ah halkee aan hore wax looga dayin ayaad ka raadinayaa?  Ama maxaad xukuumadda joogta iyo kuwii ka horreeyayba si ka duwan u qabanasaa si aad ugu qancisid maal gashadatada ama deeyn bixiyeyaashaba in SL lacag gashadaan?

Siyaasadda xisbiga ee ku aaddan xoolaha nool iyo beeraha ayaa aqoonsanaysa muhiimadda waaxdani u leedahay koboca dhaqaalaha dalka.  Fikradaha uu xisbigu soo  bandhigayaana run ahaantii waa kuwo lagu tilmaami karaa hal- abuurnimo. Daraasadaha xisbigu sheegay in uu samayn doono ayaa lagama maarmaan u ah ka faa’idaysi raandhiis leh iyo wax soo-saar wadareed haddii la rabo in laga gaadho xoolaha, kalluunka, beeddada iyo beeraha dihin ee SL hodanka ku tahay.

Warshadaynta oo aan dalna ka maarmi karin si uu ugu sii socdo dhabbaha horumarka dhaqaale ayaa Waddani aragtidiisu guud ahaan indheergaradnimo muujinaysaa. Aragtida xisbiga ayaa ku fadhida lama huraannimada warshadaynta iyo ilaalinta wax soo-saarka dalka inta uu awood u yeelanayo in uu tartanka dunida u babac dhigo. Labadan aragtiyood oo dhaqaalyahanno badani sanadadii ugu danbeeyay kasoo horjeedaan, ayaa dhaqaalaha dunidu saxnaantooda marba marka ka danbaysa ka marag kacaa. Sannadkii tagay oo kale, waddamo badan oo Afrikaan ah ayaan gaabin dhaqaale soo waajahday warshadayn la’aanta awgeed iyo heshiisyada caalamiga ah ee ka hor istaagaya ilaalinta warshadaha dalalkooda. Kubraarugsanaanta dareenka noocaas ahina waa mid kamuuqda barnaamijka xisbiga.

Ugu danbayn, hiigsiga Waddani ee ah in SL laga dhigo xarun caalami oo adeegyada maaliyadeed ayaa ah mid loo bogo, isla markaana la garwaaqsado caqabadaha horyaal ee badan.  Caqabadahan ayaa ah: diidmada shacabku u muujiyay furitaanka bangiyada ganacsiga ee aan islaamiga ahayn; adkaanta in hormuud lagu noqdo adeega baananka islaamka oo kaliyaata; iyo liidashada awoodda dhaqaale, aqooneed, adeeg yo maamul ee bangiyada imminka ka jira dalka.

Aragtida Waddani ee dhaqaale waa taas, umadda ayayna  hortaal si ay u gorfeeyaan, xisbiyada kalena ha soo bandhigaan qorshayaashooda, fikraduhuna dood ha ku hirdamaan, tii rooninna dalka ha u hadho.


Other publishers: qaran news, Oodweyne media

No comments

Powered by Blogger.