Header Ads

Difaaca Guusha Qoondadda Dumarka Soomaaliyeed


Kootada 30% ah  ee loo asteeyay dumarka Soomaaliya in ay ku yeeshaan baarlamaanka dhawaan la dooranayo ayaa ah guusha ugu weyn ee usoo hooyatay haweenka Soomaaliyeed ilamaa iyo malaa dhimashadii Araweelo. Libin maaha haddaan la isku dayin in lagaa qashqasho’e, go’aankan waxaa ka biyo diiday dad badan oo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ugu danbaysay. Culimada ayaa ku tilmaamay kootadan dumarka loogu talo galay arrin gaalo wadato oo dimuqraadi iyo diini midna ahayn.

Khuukhinta iyo ka bajinta dadweynaha marka laga yimaado, qoondadan dumarka la siiyay waxaa haboon in loo garawsado dhab ahaan waxa ay tahay. Waa isku day talada dalka lagaga dhigayo mid caddaalad ah oo muwaadiniinta oo dhami u siman yihiin.

Dhaqanka iyo duruufta dalku iminka labaduba waxay u hiilinayaan ragga. Waxaa shaki ku jiraa in gabadh kaliya ay ku guulaysan karto xildhibaannimo qoondadan haddii aan la la samaynin. Waxa taas tusaale u ah doorashadii baarlamaanka Soomaalilaan ee 2005 tii dadweynaha oo dhami ay codeeyeen in gabadh kaliya ay kusoo baxday.

Dhaqanka Soomaalidu waxa uu sadbursi weyn siiyaa ragga. Sadbursigaas wuxuu saamayn laxaad leh ku leeyahay jaanisyada qofku u helayo waxbarashada, shaqada, iyo awoodda siyaasadeed.
Siyaasada oo curyaaminta ugu weyni dumarka ay ka haysato ayaa waxa ku adag in ay qabiilada ay kasoo jeedaan ku qanciyaan inay matalaan. Waxa la ogyahay in sida ugu badan, hadii aanay ahaynba sida kaliya, ee murashax lagu doortaa ay tahay in uu garab ka helo qabiil. Waxa run ahaantii la odhan karaa dumarka Soomaalidu ilaa xad waa bilaa qabiil maadaama reeraha ay ka dhashaan laga sheegto.
Beel la’aanta  dumarka waxa u dheer in marka horeba laga badsaday fursadaha waxbarashada, shaqada, iyo tabacashada kaleba, taas oo yaraysay haweenka iska leh aqoonta iyo xirfadda maamul ee u hanqal taaga in la doorto.

Kootadani ayaa haddaba cad in aanay dumar jeclaysi iyo sheeko “gaalo wadato” midna ahayn, balse ay tahay arrin baahi keentay si meesha looga saaro duruufaha dabraaya kala badh mujtamaca, kana hor-istaagaya ka qaybgalka tolmoon ee talada iyo horumarka dalka.

Maxay Muhiim u tahay in Dumarku Talada ka Qaybgalaan:

Metalaad ku filan in ay dumarku helaan waxay lama huraan u tahay hanaqaadka dawlad si dhab ah wakiil uga ah bulshada oo dhan. Dumarku waa kala badh bulshada, caqligu fayawna wuxuu  dhigayaa in saamigooda awood u dhiganta in ay  ku lahaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Horumarka dalka ayaa isna aan marnaba ka maarmi karin in kaalin mug leh dumarku ku yeeshaan talada. Run ahaantiina, haweenku iyaga ayaa u nugul arimaha horumarka ee toos u taabanaya nolosha aadanaha, sida daryeelka iyo nafaqada caruurta, daryeelka hooyada, waxbarashada dhalaanka, iwm. Arrimahan oo dhan oo heerka horumar ee dal lagu cabbiro haweenka Soomaaliyeed uma aha fikrado qalaad oo cilmi baadhayaasha NGO yadu ka sheekeeyaan. Taas lidkeeda, arrimahani waa halgan joogto ah oo ay maalin kasta la daalaa-dhacaan. Nafaqo yaraanta caruurta hooyooyinka Soomaaliyeed waxay ku dareemaan qoysaskooda ama jiiraankooda, waxaanay ka warhayaan badanaaba caruur badan oo da’dii waxbarasho jooga balse aan fursad u helin dugsi in ay tagaan. Tabashooyinkan dumarku ay markasta raga uga dareen nugul yihiin, kana xogogaalsan yihiin waa dhibaatooyinka ay tahay Soomaaliya iyo xaqiiqatan dal kasta oo soo korayaa in uu wax ka qabto.

Arrinka kale ee aan metalaad buuxda in ay helaan dumarku aan looga maarmaynin ayaa ah xal u helidda tabaalaha sida gaarka ah u haysta dumarka. Tabaalahaas waxa ka mid ah in dumarku jaanis lamid ah ka ragga aanay u helin shaqaalaysiinta, acliinta, iwm. Caqabadahan waxay dumarka ka horjoogsadaan in ay gaadhaan karaan kooda oo dhamaystiran, natiijaduna waxay noqotaa in bulshadu guud ahaan ay ka gaabiso karaankeeda. Cidda nabarku ku yaallo ayaa ugu jecel inay iska dawaysee, dumarku iyaga ayaa daacad ka noqon kara wax ka qabashada dhibaatooyinkaas haddii awood loo siiyo.

Ugu danbayntii qoondadan dumarka loo asteeyay waxay horseedi kartaa in uu hoos u dhaco saamaynta qabiilku ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya. In dumarka oo dhan la israaciyay oo laga dhigay dad dan wadaag ah oo wax wada leh oo kaliya ayaa isbedel keentay. Waxa ay soo kordhisay halbeeg cusub oo qabiilka kula tartama habka saami qaybsiga, kaas oo ah dan iyo duruuf wadaagga. Haddii lagu liibano, waanan aaminsanahay in loo aayi doono sababaha aan kor ku xusay awgood, waxay kootadani horseedi doontaa in qaybaha kale ee bulshada ee dan wadaagta ahi, sida beeralayda beerta dalag gaar ah, ay iyaguna is xulafaystaan, oo qabiilku aanu noqon miisaanka kaliya ee wax lagu qiimeeyo.

In haweenku talada dalka ku yeeshaan door muuqda oo aan muunad ahayn dheefahaas oo dhan ayaa laga helayaa, sida kaliya ay ku suurtogalasaana waa in saamigooda oo aan yoonyoontan gali karin meel loo dhigo.

No comments

Powered by Blogger.